Saleebaan Maxamud Aaden 90 Jir Fidnoobey, Soomalilandna Fidno U Horseeday


Spread the love

Sida aad maqleyseen wareysigii Qabyo tire, 1994

Saleebaan Maxamud Aden si ku talagal ah ayuu
dalka fidno u galiyey isagoo sharci kasta oo jirey qashinka ku tuurey, sidoo
kalena fursad kasta oo sulux lagu sameyn karayeyna laaley . Isaga, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay rabaan
in ay dalka galiyaan dagaal sokeeye oy sameeyaan Yuroowe 2 iyo Kaba-dheere 2. Waad arkeyseen hooyooyinka caruurtoodii la afduubtay
ee maanta Burco ka hadlaayey.

Yuroowe waa tuuladii ay u qaxeen shacabka bariga Burco,
Kaba dheerena waa tuuladii ay u qaxeen shacbka galbeedka burco, markii
magaaladaas ay qaxiyeen Saleebaan, Muuse
Biixi iyo Maxamed Kaahin 1994.

Sida aad maqleyseen wareysigii Qabyo tire, 1994
Waxa la beegsaday oo dagaal lagu qaaday beel ka mid ah beelaha Somaliland. Sida masuulku sheegay waxaa la xasuuqey dad
aan ka yareyn 1500 oo qof, xasuuqaas waxa abaabulay oo fuliyey ragaas aan kor
ku soo sheegay. Xasuuqaas illaa maanta
waa ku socdaa beeshaas.

Dagaalkaasi wuxuu sababay in la burburiyo magaalooyin badan oo Burco ugu khasaare
badaneyd, dadkii reer Burco waxay u kala
qaxeen tuulooyinka Yuroowe iyo Kaba-dheere, maantana waxay qorsheynayaan kooxdaasi
inay mar labaad sidoodii fidno ka dhex abuuraan reer burco oy abuuraan Yuroowe
2 iyo Kaba-dheere 2 sidii 1994.

Haldoorka reer Burco waxa la gudboon inay arrintaas
ka hor tagaan. Mayor Muraad, waxaa la
arkaayey maalmahan isagoo Tv yada ka hadlaya oo suuq geynaya siyaasada Muuse
Biixi ee kala qeybinta ku dhisan. Mayor
Muraad, qiime badan ayuu reer Burco ugu fadhiyaa siduu ugu soo adeegay isagoonshillin ka xadin iyo isagoon Daan
bari iyo Daan galbeed u kala soocin.
Mayor
Muraad wuxuu Burco ula martabad yahay Axmed Keyse, Hadraawi, iyo Mayor Maxamed
Xuseen. Sidaas darteed, waxaan leenahay
yaan dhiig faraha laguu galin. Ha ka qeyb qaadan shirqoolada reer burco loo maleegayo
oo hoos ha ugu soo dhicin mustawaha Cali Mareexaan, Xinif, Ku-jare, Siciid
Sulub, Gaboose iyo Cabdilaahi Abokor oo
dhamaantood loo adeegsado kala qeybinta reer Burco. Taas
badelkeeda Ka shaqee midnimadooda.

Muuse
Biixi, madaxweynihii hore ee Somaliland,xoog ayuu ku fadhiyaa kursiga
maanta. Sharcigu wuxuu sheegayaa in
muddo xileedka Madaxweynu yahay 5 sanadood oo kaliya. Sida sharcigu sheegayo Madaxweynaha waxa xilka
loo kordhin karaa oo kaliya haddii dalka
masiibo qaran ka dhacdo, iyadoo waliba laga wada tashaday.

Saleebaan Maxamed Aden wuxuu Muuse Biixi u kordhiyey 2 sanadood iyadoo
aan masiibo qaran dhicin iyo iyadoo aan heshiis lagu ahayn, isaguna wuxuu korodhsaday5 sanadood.

Guddiga doorashooyinku, waxay sheegeen inay
doorashada ku qaban karaan 9 bilood.Saleebaan wuxuu yidhi ”Maya! 9 bilood ha ku qabanina ee ku qabta 2
sanadood”. Oo waayo ? Wuxuu leeyahay Saaxiibkey Muse Biixi (Gudoomiyaha Jeegaanta) waxaa nacay
oo ka dareeray shacabkii oo Cirro lama tartami karo. Sidaas darteed, waa inuu
saxeexayga ku fadhiyaa kursiga.

Saleebaan, waa ogyahay dhibaatada ay keeni
karto muddo kordhin aan ku imaan shuruudihii sharcigu tilmaamayey isla
markaasna aan heshiis lagu ahayn, laakiin waxaanu dhaafi karin oo xidhaya xeerka Jeegaanta ee
ah in Muuse xoog kursiga loogu hayo. Sababtaas darteed, Saleebaan iyo raggiisa wax qiime ah uguma
fadhiyo dhiig daata iyo dal burbura midna. Saleebaan waa 90 jir fidnoobey oo aan dal iyo dad iyo
Aakhiro midna dan ka lahayn.

Dhibic kasta oo dhiiga oo dhulka ku dhacda oo
shacabka reer Somaliland ka daadata muddo kordhintaas awgeed waxa If iyo Aakhiroba
si siman loo weydiinayaa Saleebaan, Muuse Biixi iyo intii ku gacansiisay, sabatoo
ah Xadiis shariif ah ayaa ahaa ”Qofkii jideeya jid xun, waxaa loo qorayaa
dembiga qof kasta oo qaadaa jidkaas xun illaa qiyaamaha.

BEELAHA DARAFYADA:-

Maalmahan waxaan arkaynay kooxo loo yaqaano Waji-ku-macaash
oo TV yada ka qeylinaya oo leh waxaan matalaynaa beelaha darafyada kuwaasoo ay soo
laaluusheen rag ka tirsan Kulmiye oy ka midyiin Ataasha iyo Saajin ”Iyagaaba
dulman oo loo doodayaaye maxay doonayaan”?Kooxahaasi waxay taageerayaan muddo kordhintii Saleebaan sameeyey.

Beelaha
darafyadu waa ogyihiin in musharax Cirro iyo Xusbiga Wadani yahay kan ka kor qaadaya cadaalad darrada iyo
cunsuriyada Col. Muuse Biixi iyo Xusbigiisa Kulmiye kula dhaqmo beelaha
darafyada.

Xusbiyada mucaaradku waxay diyaar u yihiin inay
fuliyaan dhamaan heshiisyadii uu Xusbiga Kulmiye kaga baxay Mujaahidkii weynaa Prof. Cali Khaliif Galeyr. Xusiyada
mucaaridku waxay diyaar u yihiin in la furo Dastuurka qaranka, kor loo qaado matalaadooda,
karaamadooda, kalsooni dhiskooda iyo in la helo Somaliland la wada leeyahay. 
Xusbiyada mucaaradku waxay diyaar u yihiin
inay isku xuquuq noqdaan wiilka Muuse Biixi, wiilka Maxamed Kaahin eeDabaqada sare noqday iyo wiilka beelaha darafyada ee debed jooga laga
dhigay. 
Waxay kaloo diyaar u yihiin inay
ka shaqeeyaan in deegaanada darafyada la
soo gaadhsiiyo inay la heer noqdaan xaga nolosha iyo horumarka deegaanada kale
ee Soomaaliland. Sidaas darteed, cid
kasta oo Kulmiye TVga hor keeno, beelaha darafyadu kuma qancayaan wax ka
hooseeya in wiilashoodu la xuquuq noqdaan wiilasha Col. Muuse Biixi iyo kuwa Col. Maxamed Kaahin
ee aan sharcigu qaban.

Somaliland maanta karaamo kuma leh masraxyada
caalamka oo waxa la qorey dal aan demqraadi ahayn oo Askari kaligii taliye ah
xoog ku haysto. Meel aan xoriyatul qowl
ka jirin oo dhamaan xeerarkii demoqraadiyada la tuurey.
Meel dumarka iyo caruurta lagu laayo, lagu
jidh dilo, laguna xidh xidho. Caalamku wuxuu kaloo Somaliland u aqoonsaday meel
lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta mucaaridka, saxaafada, dadka u dooda xuquuqda
aadamaha iyo meel maxkamadihii iyo booliskii ay ka mid noqdeen Wasaaradihii Xukuumada.

Shacabka reer Somaliland waxay ku jiraan
Cadaab, dil xadhig sharci darro ah,gaajo, cuduur, cadaalad darro, eex, kala qeybin iyo wax kasta oo aadame
xumeeya. Sidaas darteed, waa lagama
maarmaan inay xal deg deg
 ah helaan.

KULMIYAHA NIQAABAN EE MUUSE U SHAQEEYA (URURO
KU-SHEEGYADA).

Ninkii wuxuu yidhi ”Isaxaaq ma diidine xaaqdaan diiday” dadku ma diidin ururo la furo oo sharcigaa
sheegaye waxaa la diidayaa waa Decemberta laga soo hor marinayo November iyo iyagoo dhamaantood Muuse u adeegaya oo wada ah ”Kulmiye
niqaaban” kuwaasina fidnada ayey qeyb ka yihiin.

Nimankaas
oy hor boodayaan Cabdilaahi Darewal, Daamur , Gaboose, Maxamuud Xaashi iyo qaar
kale oo badan, shaqada Muuse ay u hayaan waa inay Musharax Cirro, iyo Xusbiga Wadani ee gudoomiyaha ka yahay
Xirsi Cali X. Xasan ay ka reebaan tartanka maadaama Muuse Biixi aanu la tartami
karin oo Wadani haysto aqlabiyada shacabka Somaliland ( 60% codka, cod bixiyayaasha reer Somaliland), sida lagu sheegay ra’yi ururintii ugu
dembeysay.

Kibirka
iyo isla weynidu waxay ku gayeysiisaa xaqa ood ka indho beesho. Wasiir hore Cabdilaahi Abokor (Mulkiilaha
Xukuumada Muuse Biixi) wuxuu yidhi, maxay tari karaan? Yaa wax naga qaadi kara? Annagaa biilka
siina, hadalkoodu wax ka soo qaad ma leh, ma jirto wax la yidhaahdo waa
markeygii. Cabdilaahi Abokor dabaal ayuu
ku jiraa oo aduun war kama hayo waxaana loo sheegayaa, musharax Cirro wax ku dooni maayo waa markeygii ee wuxuu
leeyahay ha la ila tartamo ee ma la tartami kartaan?.

XUSBIYASA MUCAARIDKA AH:-

Xusbiyada mucaaridku waxay wali taaganyiin
wajigii 1 aad ee istraatijiyada ay ka dejisteen sida dalka looga samata
bixinayo inqilaabka Ex.madaxweyne Muuse Biixi.Xusbiyada mucaaridku waxay wali taaganyiin ”Ex.madaxweyne Muuse Biixi uma aqoonsanin
madaxweyne sharci ah ”.

Marka la eegosida Maxamed Kaahin iyo Dabagale ula dhaqmayaan Madaxda Xusbiga iyo
taageerayaashooda, waxaan shaki ku jirin in Xusbiyada mucaaridku iclaamin
doonaan wajiga labaad ee istiraatiijiyadooda, haddii loo baahdana wajiga 3 aad.

MASIIRKA MUUSE BIIXI.

Madaxweyne
hore Muuse Biixii , ma heysto sharciyad uu ku fadhiyo madaxtooyada. Sidaas
darteed, haddii aan reer somaliland xal deg deg ah keenin, masiirka kaligii
taliyuhu wuxuu ku dhamaanayaa mid ka mid ah 3 dan qodob ee soo socda :-

1.Inuu ku baxo sidii Qadaafigii Libya.
2.Inuu ku baxo sidii Saynu al Cabudiin Binu Cali gii
Tuunis.
3.Iyo inuu xafiiska ku joogo sida
Xaafid Al Asadka Suuriya.

Waxaa hubaal ah inaan dikteytar Somaliland
xukumi karin, sababtoo ah Siyaad Barre cidna kama awood badneyn, halkee ku
dembeeyey?. Somaliland waa wada Lixle.

[email protected]


Like it? Share with your friends!