Sanado badan ayaa laga hortaagnaa madaxtinnimada, ugu dambeyn se wuxuu ku guulaystay hogaaminta dal Muslim ah


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty ImagesQoraalka sawirka, Anwar Ibrahim 7 Saacadood ka horHogaamiyaha ruug cadaaga ah ee Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa loo dhaariyay xilka ra’iisal wasaaraha, kadib 25 sano oo uu raadinayay xilkaas, laba jeerna loo xiray.Waxa uu ballanqaaday in aanu wax mushaar ah ka qaadaan doonin dowladda, uu xoogga saari doono la dagaallanka musuq-maasuqa iyo dib u habeynta dhaqaalaha.Boqorka Malaysia ayaa gelinkii dambe ee Khamiista Anwar Ibrahim u dhaariyay hogaaminta dowlad cusub.Arrintan ayaa timid kadib maalmo uu taagnaa khilaaf ku saabsan cidda dhisi doonta xukuumadda cusub kadib doorashadii todobaadkan ka dhacday Malaysia.Xisbiga Pakatan Harapan (PH) ee uu hogaamiyo Anwar Ibrahim ayaa helay codadka ugu badan baarlamaanka cusub, balse waxa uu ku guuldareystay inuu gaaro aqlabiyadda looga baahnaa si uu u soo dhiso xukuumad cusub.Wadaxaajood socday shan maalmood oo ay axsaabta kala duwan ku soo dhisi rabeen xukuumad wadaag ah ayaa ugu dambeyn fashilmay, maadaama ay kala aragti duwan yihiin inta badan siyaasiyiinta dalkaas.Boqor Cabdalla ayaa ugu dambeyn loo daayay go’aanka ah inuu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Malaysia, waxaana uu fursad siiyay Anwar Ibrahim oo ballanqaada inuu soo dhisi doono xukuumad midnimo qaran.Shan iyo labaatan sano ka hor, waxaa la saadaalinayay in Anwar Ibrahim oo ahaa siyaasi soo baxay, isla markaana aftahannimo ku suntanaa uu xilka kala wareegi doono Mahatiir Maxamed oo Malaysia hogaaminayay.Taa ma dhicin. Anwar iyo Mahatiir ayaa isku qabtay qaabka loo maareynayo xasaraddii dhaqaale ee ay xilligaa wajahaysay qaaradda Aasiya. Anwar ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq-maasuq iyo faro-xumeyn, eedeymahaas oo uu ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan.Sanadkii 2004 ayaa dembi lagu waayay, waxaana uu dib ugu soo noqday siyaasadda isagoo ku sigtay in xisbiga weyn ee UMNO uu kaga adkaado doorashadii dhacday 2013. Kadib waxaa markale lagu oogay dacwad ah faro-xumeyn, waxaana xabsiga lagu celiyay 2015. Mahatiir oo ka fariistay siyaasadda ayaa soo rogaal celiyay sanadkii 2018, waxaana uu garab weydiistay Anwar, iyagoo doorashadii sanadkaa dhacday uga adkaaday uga adkaaday xisbigii talada hayay ee uu hogaaminayay Najiib Rasaaq. Boqorka ayaa markaa kadib cafis u fidiyay Anwar. Hase yeeshee waxaa fashilmay heshiis ay gaareen labada nin oo ahaa in Anwar lagu wareejiyo xilka ra’iisal wasaaranimada, maadaama Mahatiir uu yahay nin da’ ah oo 90-ka kor u dhaafay.Hadda waxa uu helay fursad uu ku hogaamiyo dalkaas ay 63% dadkiisu yihiin Muslimiinta. Waxaa se horyaalla caqabado ay kamid yihiin dhaqaalo xumo iyo kala qeybsanaan siyaasadeed.Xisbiga mucaaradka ku ah ee Perikatan Nasional ayaa waxaa u badan Muslimiin doonaya in dhaqanka Malaysia loo weeciyo dhanka Islaamka.Dadka aan Muslimka ahayn ee dalkaa ku nool ayaa u arka ra’iisal wasaaraha cusub nin mideyn kara Malaysia isla markaana tixgelin doona kala duwanaanta xaga diimaha ah.


Like it? Share with your friends!