Saraakiil Boolis Oo Ka Socota Mid Ka Mid Ah Dalalka Afrika Oo Soo Gaaray Muqdisho


Spread the love

Qeybta Booliska ee Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxaa soo gaaray 160 Sarkaal oo ka tirsan Booliska Nigeria, kuwaasi oo taageero u fidin doona Booliska Soomaaliyeed si waafaqsan qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Saraakiisha Cusub ayaa beddalaya, Ciidamo iyo Saraakiil kale, oo loo yaqaan Nigeria Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhawaan ku laabtay Nigeria ka dib markii ay soo gabagabeeyeen socdaal shaqo oo ay ku joogeen Soomaaliya, waxaana ay gacan ka gaysanayeen ​​sugidda amniga, intii lagu jiray doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhawaan soo idlaaday.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Qaybta Booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1, 040 shaqaale ah, oo ay ku jiraan shan Unug Booliis ah.
“Saraakiishan waa kuwo si fiican u tababaran oo anshax leh. Waa ay gudan doonaan waajibaadkii loo igmaday, mana fashilin doonaan dalkooda iyo Midowga Afrika,” ayuu yiri Kormeere Mohammed Ibrahim oo ah Taliyaha qeybta guud, mar uu qaabilayay saraakiisha markii ay soo gaareen Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa la filayaa inay inay taageeraan tababarada gaarka ah ee Boooiska Soomaaliya, la-talinta iyo adeeg bixinta booliska Soomaaliyeed, waxaana ay gacan ka geysan doonaan ka hortagga waxa ay ugu yeeraan Xag-jirnimada rabshadaha wata iyo khalkhalka bulshada.

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska, Fidelix Jonah Awu, oo hoggaaminayey kooxda imaanaysa, ayaa xusay in ay si waafi ah ugu diyaar garoobeen inay doorkooda ka qaataan horumarinta sharciga iyo kala dambeynta, sareynta sharciga iyo dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Tani waa unuggii 11aad ee booliiska Nigeria ee loo diro Soomaaliya tan iyo 2012. Waddamada bilayska ku deeqay ee ATMIS waa Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la geeyay dhammaan shanta qaybood ee hawlgalka.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments