0

Amsterdam (Caasimada Online) – Shiikh Suldaan Gasle oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands,  ayaa galabta kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, wuxuu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaaf intii muddo ahayd ragadaadiyay guddiga maamula masjid Quba oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaal Amsterdam.

Khilaafkani wuxuu u dhexeeyaa Iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah.

Kulankan waxaa soo agaasimay guddi ka dhisan Amsterdam,  guddigaasi oo ku soo baxay khilaafka, hasse ahaatee waxaa jira guddi kale oo ay horay labada dhinac ay  ugu madax dhiibteen si ay go’aan xaq & xalaal ah uga gaaraan khilaafka ka dhexeeyo, inkastoo Shiikh Suldaan uu madasha galabta ka sheegay in xubno ka tirsan guddigaasi oo uu saluugay dhexdhexaadnimadooda darteed inuu dib ugala laabtay kalsoonidii uu ku qabay.

Madasha kulanka maanta waxaa ku sugnaa   Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafka u dhexeeyo, halka daraftii kale ay ka cudurdaaratay kulanka.

Cali Waare, oo ka tirsan guddiga xalinta khilaafkaadka Amsterdam,  isaga oo ka hadlayay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dedaalada guddigooda ay hormuudka u ahaayeen oo ahaa kuwa  xal loogu raadinayo xiisada  masjidka Quba, wixii hadda ka dambeeya ay ku soo wareejiyanayaan waxgaradka Soomaalida, isaga oo intaasi raaciyay  in isaga & saaxiibadii ay ula muuqatay waajibaad diini ah in ay tahay in ay ku soo baxaan khilaafka, ujeeddada qura ee ay ka leeyihiinna ay tahay in xal loo helo khilaafka.

“In la kulmo oo labada dhinac la dhagaysto oo walaalaha kale ee madasha ka maqan aan waqti siino aad ayaa u jecleyn, ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay arrintan, ujeeddadeenu waxay tahay in dhinacyada khilaafkani uu ka dhexeeyo in ay wadahadlaan si xal loogu helo khilaafka masjidka, maadaama masaajidka dadka ugu badan ee ku intifaacaya ay Soomaali yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna ka dalbaday Shiikha in maadaama daraftii kale ee uu khilaafka kala dhexeeyay ay madasha ka maqan tahay in maqnaashiyahooda la ixtiraamo.

Shiikh Suldaan oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa dhinacyo fara badan ka hadlay, isaga ku xusay  in uusan jecleysan in dadku ay afkiisa ka maqlaan wax ka duwan wixii looga bartay ee ahaa muxaadaro & fasiraada kutubta & culuunta diiniga ah.

“Annagu haddii aan nahay Quba, markii hore halkee ka dhalanay.? SOMVOA ayaa ka dhalanay, anigoo iimaam masjid ka ahaaa ayaa rag culimo ah ay ii yeereen 2005-tii, culimadii ii yeertay waxaa ka mid ahaa Shiikh Shibili, waxaa la igu yiri howshan lagaama maarmi karo’e nala wad, waxaana shaqaale ka noqday masjidka” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in hindisaha lagu iibiyay dhulka uu masjidka ku fadhiyo & fadhiisinta howlaha masjidka oo soo billaabmay 2007-dii inuu oday ka ahaa, qeyb waynna ka qaatay sidii howshaasi ay u najixi lahayd, hasse ahaatee shaqsiyaad dhalinyaro ah, oo qaarkood ardaydiisa ka mid ahaa  in ay isku dayeen in ay banaanka dhigaan.

“Maalin bay ii yeereen, markii aan wada fadhiisanay ayeey igu yiraahdeen laga billaabo caawa, shaqada waynu kaa rafacnay, waxaan ku iri, sharciyadeed u cuskateen inaad shaqada iga fadhiisisaan.? sababaha ay go’aankaas isula qaateen waxaa ka mid ahaa; markii aan ka hor imid mashaariic aan la marin waddadii saxda aheyd oo laga bixiyay lacago masaajidku lahaa” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo dhinaca kalena ku eedeeyay [Aadan Kaah] oo ka mid ah guddigii 2da dhinac ay u xilsaareen xalinta khilaafkaadka inuu  ka leexday dariiqii dhexdhexaadinimada, lana saftay xubnihii uu khilaafku kala dhexeeyay, sida uu Shiikhu yiri.

“Dambiyada uu ALLE xarimay waxaa ka mid ah xoolaha dadka oo sifo aan sharci ahayn lagu cuno, hadhow qofkii isaga oo ay qoorta u suran tahay ayaa la soo saarayaa, ciddina oran maayo ciddaas ayaa xoolaha cuntay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan oo ay hadaladiisu u badnaayeen kuwa duur-xul ah, wuxuuna intaasi raaciyay in maalintii uu garaad yeeshay ilaa waqtigan oo madaxiisu ay ciro buuxisay in shaqada keliya ee uu yaqaan ay tahay fidinta diinta & wacyigelinta ummadda.

Aniga & cid kale ba waxaa ka wayn maslaxada ay masaajidka ku qabaan ummadda muslimka ah, haddii qof howshaasi aniga iga mudan la helo waxaan diyaar u ahay inaan duca ugu daro” Ayuu yiri Shiikh Suldaan.

Shiikh Suldaan waxaa kale oo uu sheegay in mushtamaca Soomaalida inuu ku soo celiyay ammaanadii ay u dhiibteen, isaga oo haweenka ku ammaanay sida ay hantidooda ugu bixiyeen dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka.

Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, in guddigii ugu horreeyay ee howsha dhexdhexaadinta loo xilsaaray ee fadhigoodu ahaa Tilburg & Eindhohoven in iyaguna ay maalinta Axada ah oo  taariikhdu ku beegan tahay 19  ay shir isugu yeereen jaaliyadaha Soomaalida, kana dalbadeen in ay ka soo qeybgalaan kulan ay ku shaacin doonaan natiijadii ka soo baxday dhexdhexaadintii ay muddada soo wadeen.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *