Saxafiga Sannadka!


Spread the love

W.Q: Saddaam Xuseen Carab.

Ma ihi kibbaar waxa se
la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u
dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday
iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas
iigu yeedha.

Inkasta oo aanan
jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan
in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana
magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan
dhallinyaronimaba. Waxaanan ka mid ahaa caruurta xaafadda ka caanka ah ee
magacooda lagu soo hal-qabsado marka dhiirranaan iyo ciyaar wanaagga kubadda
cagta la soo hadal qaado. Dhallaanka kale ee ila da’da ahaa waan ka firfircoonaa
kana furfurnaa siyaabo badan. Waxaan badanka ka ag dhowaan jiray dadka waawayn
oo ay qaarkood malaha iga jeclaayeen ubadkooda! Sidoo kale waan ka sheeko iyo
hadal badnaa filkay, taasina waa sababta dadka waawayni ii warsan jireen
aniguna aan ugu warrami jiray. Marar badan ayaan markhaati galay anigoo da’ yar
xog la igu tuhmay sababteed.

Dugsiga markii aan ku
jiray waxaan ahaa caan sidoo kale, xarfaannimo aan aqoonta ku ahaa awgeed
ardaydu iguma baran se xogta badan eeay iga heli jiray awgeed ayaan ku
khasabtay in ay I bartaan waliba I jeclaadaan. “War baa u gaajo badane” waxay
ardaydu ka hirqan jireen warkayga kana haqab beeli jireen dulucdiisa! Sideedaba
qofka laga helo war dheeri ka ah inta la hayo tuhun ama tu dhaba ka ay tahayba
waa la jecel yahay bulshadan dhexdeeda. Taas waxa aniga ii dheer in aan ma
gabbade dhiirran ahaa oo warka laba dhiga waliba u dhuun daloola.

Inkasta oo aan arday
ahaa haddana maan jeclayn wax dhigashada oo waxaan ku tagi jiray dirqi,
imitixaankana ku dhaafi jiray dirqi, dabadeed ku dhammeeyay dirqi dugsigii
sare. Qorshaha iigumay jirin in aan jaamacad galo dal iyo dibad toona, waayo
waxbarashada dugsiga ayaaba marka hore igu ahayd dirqi oo waalidkay igu
dirqiiyeen. Maalintaan dhammaystay dugsigaa sare baa iigu dambaysay fasal aan
dhex fadhiisto iyo fayl(saf) aan galo. Lakiin in aan ka dhacay sallaanka
waxbarashada iyo silsiladdaa qayrkay sii xejisteen iguma ay keenin in aan
dhulkaga iskaga soo dhaco, ama iska noole nool ahaado, ee isu noole nool ugu
yaraan in aan noqdo ayaan rabaa oo iga go’an shakhsi ahaan.

Fikir iyo faaqidaad
habeenno qaadatay ayaan ku baadi goobay waxa ay noqon doonto hawl maalmeedkayga
uu ku tiirsanaan doono nolol maalmeedkaygu, si uu u dhaboobo go’aankaygaasi.
Jiroo ra’yiyo door ahi igu soo maaxdeen haddana waxa si aad ah iiga dhex
guuxaysa mihnad aan xiisayn jiray ilaa caruurnimodaydii, oon waliba u qabay
xiise ciidda ka badan oon caadi ahayn. Samadu Inta ay ii jirto haddii ay ii
jiri lahayd iimabay jirsane waxa iga go’nayd gaadhiddeeda. Ka sokow in aan
nafsad ahaan jeclaa anigu, waxa ila jeclaa dadka iyaguna. Hadh iyo habeen
igamay dayn jirin inay igu dhiirriyaan noqoshada suxufi. Waxaanay dadku igu
sifayn jireen in aan ahayn qof codkar ah, dhiirran oo wararka u dhuun daloola
waligiiba isla markaasna uga faro dhuudhuuban cid kasta. Malaha iyaagaba
naftayda iiga war roonaaye waxay xataa igu odhan jireen ‘Ehelkeedii ayaad tahay
oo allaa kuu abuuray iyada’. Markaasbaa xiisuheeduna naftayda isku isku libin
laabaa laabtaydana xara dhaamiyaa!

Sida aan aaminsanahayna
wadarta bartilmaameedkaygii iyo boorrintii dadka ayaa bud-dhig u ahayd
shaqadaydan suxafinimo. Waxay ahayd bilawgii rajada noloshayda iyo dhammaadkii
walwalka shaqo li’idayda, waxaanan si aad u fudud shaqo uga helay mareeg,
kadibna aan uga wareegay wargays, ilaa TV aan soo dhex kadaloobsaday.

Waxaa si qurux badan ii
soo dhaweeyay bahda aan ku soo biiray, oo ka mid noqoshadoodu dammisay dhamac
iyo qaac igu shidnaa oo shiddaynayey naftayda. Waa bah da’ yar u badan oo ay
fududdahay in lala jaanqaado oo lala joogaa. Waxaan sawiran jiray wax, wax
qurxoon oo rajo ah, waliba aan u riyaaqi jiray xataa markaan kalida ahay.
Waxaan ku faraxsanaa wadarta dhib yarida aan ku soo galay iyo dhib li’ida
hawsha oon ka soo dhalaali doono. Haa oo, wararka waxaan xogogaal ugu ahaan
doonaa sidaan waligayba ugu ahaa ilaa caruurnimo oo dhib iguma aha. Waana
shaqadayda inta la iiga baahnaa intaasi. Sidaas bay wax waliba u hirgaleen ee
aan himilaynayey. Sidii dhallaannimo ayaanan caan u ahay saxaafadda dhexdeeda,
waxaanay wali dadku ii warsadaan sidii barigaa horeba ay ii waraysan jireen.
Aniga oon baran aqoon warfidyeennimo baa haddana dadku la dhacsanaayeen wararka
aan tabiyo. Bal adba qiyaas oo miyaanay ahayn wax aan ku farxo oon u farxo?

Muddo kooban haddii aan
ku jiray waxaan ka kore maray kuwii dhiggay ahaa ee iiga soo horreeyay
shaqadan. Iga walle iyagaaba u qaadan waayey! Markaasbay qaarkood igu
yidhaahdeen halkeed uga soo baxday saxaafadda? Waydiin xumadooda ma wax la
bartay u haystaan waxa? Miyaanay ogayn in warfidiyeennimadu tahay hibo ilaahay
dadka siiyo oo uur hooyo lagala soo baxo. Waa taas sababta loo noqdo saxafi
ayaanan u sheegay! Waxa ila qaba dad badan; sababtaaasna aan ku helaa
taageeradooda dadkaas. Isla jeerkaasna waa ta aan kaga caan baxay kuwii kol
nala wada qoray shaqada, iyo waliba kuwii ruug caddaaga ku ahaa saxaafadda ee
da’dayda tiradeed ku soo jirayba. Haddaanay ahayn hibo lala dhasho maxay waxaas
oo dhan ay iigu suuro galeen? Midda kale haddii ay aqoon tahay maxay dadku u
qiimayn waayeen kuwoyawgan waqtiga badan iskaga lumiyey dhigashada sida war loo
sheego, war aan waligayba sheegi jiray?

Gudo iyo dibadba waa la
I bartay, farriimo aan yarayn ayaa had iyo goor ay iska soo daba dhaca sidii
tusbax furtay, garre iyo guntane uma kala hadhaan. Waxay isugu jiraan tiro
badan oo I bogaadiya iyo inyar oo bilaash ii maagta. Laakiin uma dheg
jalaqsiiyo kuwan dambe. Oo maxay ii tarayeen markka horeba? Qoridda wararka
ku-tidhi-ku-teenka ah ayey dadku xiiseeyaan sidoodaba, qof ahaan anigana waxa
iga go’an waxa ay xiiseynayaan dadku in aan ku xasiliyo dareenkooda. Marka
qodobkan laga hadlayo ayey dadkaa tirada yari igu yidhaahdaan ‘dadkaa ku haga’e
wax aanad hubin dadka ha ku halaagin’. Oo haddii ay i hagaan dadku maxaa ku
jaban horta? Miyaanay ahayn kuwaan warka ka iibinayey? Wax ka gadma ma ha
baahin ayey I leeyihiin. Kuwo iska hadlay ayaan u aqaan anigu kuwaas igu
qabsaday waxa ay dadku u hamuumayaan.

Imika haleelkaygu
sinaba uma badna, habeen iyo dharaarba waan hawlanahay. Saddex mareegood iyo
hal jariirad ayaanan u shaqeeyaa. Iska dhaaf naftaydee ehelkaygii ayaan xataa
qaarkood biiliyaa oo bariis iyo barashaba ka bixiyaa. Markaasaan gaar u
fadhiistaa marar oon hoos iskula hadlaa dabadeed idhaa tolow waalidkaa hadday
ku ogaan lahaayeen sida aad ummadda uga shaqaysato ma kuu bixin lahaayeen deeq
ama Warsame? Ma ay saadaalin karayn sida aad noqon doonto’e ha dhibsan ayaan
idhaa haddana. Maya oo haddaa kibbaarnimadayda xagay ka ogaadeen? Mooyi!

Kollay hagardaamo iyo
hiif sina uma waydide haddana qaar aqoon isbida ayaaa Kibbaar igu sheega oo la
ii sheegay in ay meelahaas ka yidhaahdaan qalinkuu iska qaatay iyo saxafi maaha
ee waa kibbaar! Kuwayawna waxaabay ii sheegeen dhalleecayno caantayn ah aniga
oo hor jooga. Oday ka mid ah kuwa saxaafadda ku gaboobay een cidina akhrin
warkiisa ayaa igu yidhi maalin “Adeer masuulbaad tahay oo xi lculus ayaad u
haysaa dadkee sidan aad tahay iska geddi oo dadka u tudh adiguna naftaada u
tudh”. Dadka uu I leeyahay u tudh maxaan u geystay ma in ay I bartaan,
warkaygana iibsadaan ayaa dhib ku ah dadka?! Iima aha suuro gal in aan yeelo
sida uu ileeyahay yeel, sida aanay suuro gal iigu ahayn in aan iska firdhiyo
macaamiisha warkayga sida raashinka u quudata ee magaca iyo maamuuskaba ii
haya. Malahayga wuxuu rabay uun in ay dadku igu I nacaan oo igu yidhaahdaan
waxba ma qortid, kollay haa, laakiin kamaan yeelin nasiib wanaag.

Kasii darane ku kalena
maalin isagoon moodayo in uu wax wayn ii hayo ayuunbuu si iigu yidhi “wararka
sug, qoraalka sax, xigashada saaf iyo soohdintaada saxafinnimona ha dhaafin”.
Waxsheegoow ba’! ma intaasuu iiga dhigay talo? Qodobadan daciifka ah ee uu
sheegayey uma arko dhib wayn anigu, inta warkayga dadku u liqayaan sida hunguri
dhubuqeed! Inta aan haysto dad xor u ah taageeradayda khalad iyo saxba, taasi
waxay iiga dhigantahay wax aan macno lahayn. Dhammaantood se waxaan ku dhaafaa
‘Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma’.

Gebogebadii cid kastaa
wax ha i tidhaahdo ama iska tidhaahdee, waa aniga saxafiga dhabta ahi,
sifadayduna dhab ahaan waa taas. Waxaan ahay xor si u araggayga, ahaanayaa xor,
inta aan haysto dad xor ah, xor u ah taageeradayda si walba! taasna waxa
caddayn u ah hufnaanta iyo halabuurnimada Rabbi iigu deeqay. Miyaanay ahayn
astaan buure ah oo lagu garto qummanaanta qofka hadba taageerada uu haystaa?.

FG: Waa sheeko male
awaal ah.

Qalinkii: Saddaaam
Xuseen Carab


Like it? Share with your friends!