Saynisyahanka Afrikaanka ah ee dayaxa ka raadinaya biyo


Spread the love

Xigashada Sawirka, BERHANU BULCHA9 Saacadood ka horInjineerkan u dhashay Itoobiya ee heysta dhalashada Mareykanka, isla markaana ah baare ka tirsan hay’adda hawada ee Nasa, Berhanu Bulcha, ayaa doonaya inuu xal u helo dhibaatada ah in biyo laga baadigoobo dayaxa, si bani’aadamka looga caawiyo inuu saldhig rasmi ah ka helo halkaas. Haddii aysan biyo jirin nolol ma jiri karto.Haddii bani’aadamku uu Dhulka joogo amaba meelo kale oo dunida ka tirsanba, hal ku dhiggaas isma beddelayo.Gantaalka Artema 1 ee Nasa ayaa la diray toddobaadkan – waana billowga barnaamij sahminta hawada ah oo loogu talogalay inuu bani’aadamka dib ugu celiyo dayaxa iyo meelo ka sii shisheysa. Ka hadalka arrinta ku saabsan in biyo laga helo meel ka baxsan dhulka waa muhiim.Saldhigga dayaxa ee la qorsheynayo ayaan ahayn suurtogal haddii aan la helin dareeraha qaaliga ah Dr Berhanu ayaana horkacaya kooxda ka shaqeyneysa sida looga heli karo satellite-ka keliya ee dabiiciga ah ee dhulkeenna.Biyaha ayaa Dhulka laga qaadi karaa balse tani waa qaali mana aha mid la isku halleyn karo. Sidoo kale biyaha dayaxa ayaa loo adeegsan karaa in lagu sameeyo shidaalka gantaalka, taas oo suurtogelineysa in dayaxa uu noqdo madal loo adeegsan karo safarro dheeraad ah, taasoo meesha ka saari karta baahida loo qabo gantaallo waaweyn oo wax ka tari kara cuf is jiidadka dhulkeenna.’Su’aal mudan milyan doollar’ Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa soo saaraya qalab khafiif ah kaasoo sheegi kara halka ay keydadka biyaha kaga jiraan dayaxa.”Waa su’aal mudan milyan doollar,” ayuu telefoonka ugu sheegay BBC isagoo ku sugnaa mid ka mid ah xafiisyada Nasa ee Mareykanka.Tan iyo intii uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Virginia 12 sano kahor, Dr Berhanu ayaa diiradda saarayay sameynta qalab hawada ah oo xallin kara dhibaatooyinka la soo dersa Nasa – waxaanan muran ku jirin in baadidoonka biyaha ay tahay dhibaatada ugu weyn.In xoogaa biyo ah ay ku jiraan dayaxa hore ayaa loo xaqiijiyay.Balse dhibaatada heysata qalab walba oo wax lagu baaro ayaa ah inaysan kala caddeyn karin farqiga u dhaxeeya biyaha, oo ka sameysan wadarta maaddooyinka hydrogen iyo oxygen, iyo hydroxyl, oo ah maaddoo kale oo uu ku jiro hydrogen.Xigashada Sawirka, NASA/MICHAEL GUINTOQalabkan uu ka shaqeynayo Dr Berhanu ayaa bixinaya xoogaa iftiin ah iyadoo la adeegsanayo mowjad u gaar ah biyaha, taasoo loo adeegsan karo in lagu ogaado in halkaais ay biyo ku jiraan.Kooxdiisa ayaa ka shaqeynaya hannaan lagu sameyn karo mowjaddan taasoo markii hore adkeyd, sida laga soo xigtay Nasa.Dr Berhanu ayaa ku tilmaamay horumar teknolojiyadeed oo muhiim ah taasoo cirbixiyeennada u suurtogelin karta inay adeegsadaan qalab gacanta lagu qabanayo oo lagu helayo goobta iyo cufnaanta biyaha – taasoo ah wax aan hore loogu guuleysan.Qalabkan aadka u yar ayaa sidoo kale la geyn karaa meelaha aan la gaari karin. In la yareeyo cabbirka iyo miisaanka qalab walba oo loogu talogalay in dayaxa la geeyo waa muhiim.
Xigashada Sawirka, ReutersDr Berhanu oo saldhiggiisu yahay Xarunta Goddard Space Flight ee Nasa ee ku taalla Maryland, ayaa dhowaan helay $2.5m (£2.1m) si uu usii wado ka shaqeynta qalabkan. Waxaa laga yaabaa inay qaadato labo sano oo kale si loo dhammeystiro balse Dr Berhanu ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in la sameyn karo uuna shaqeyn karo.Wax shaki ah kuma jiro sida ay uga go’an tahay iyo hubantidiisa – wuxuuna u arkaa in calaamadahaas ay yihiin kuwo qeexaya dabeecadihiisa.Injineerkan 38 jirka ah ayaa ku koray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, balse wuxuu u wareegay Mareykanka kaddib markii uu dhammeeyay dugsiga sare si uu physics iyo inineeriyadda uga barto Jaamacadda Virginia Commonwealth University. Wuxuu ku qasbanaaday inuu noqdo qof keligiis isku tiirsan. “Markii aan imid Mareykanka ma heysan wax caawinaad ah, aniga ayaa isku tiirsanaa. Dhab ahaantii waan ka dheeraa dhaqantii aan ku soo koray waxaana ku milmay dhaqan cusub. Waxa ugu horreeya ee aad ka fekereyso waa sida loogu shaqeeyo si adag looguna guuleysto waxbarashada,” ayuu yiri, isagoo dib u milicsanaya sanadihii hore ee uu joogay Mareykanka. Xigashada Sawirka, Nasa/Michael Giunto”Waxaa jirtay hammuunta loo qabo in wax badan la ogaado, iyo in wax badan laga ogaado sida ay dunidu u ekeyd iyo sida ay u weyn tahay” ayuu yiri Dr Berhanu Bulcha.Wuxuu qirsan yahay inay tallaabo khatar ah ahayd in laga soo tago Itoobiya, balse fursadaha ku shaqeynta teknolojiyad casri ah iyo mashaariic baaritaan oo xiiso leh ayaan laga ahaan karin.Dhiirrigelinta in la tago dayaxa laga arko waxa yaalla, wuxuu ka helay dalkiisa.Dadka qaar shuruucda adag ayaa ka horistaagi karta inay u kuur galaan fekrado kala duwan balse Dr Berhanu waxay u horseedday inuu meel ka shisheysa eego.”Waxaan aad ugu dheygagsanaa sida waxyaabaha loo abuuray … [waxaa jirtay] hammuunta ah in wax badan aan ogaado, iyo xuuraansiga in wax badan laga ogaado sida ay dunidu u ekeyd iyo sida ay u weyneyd,” ayuu yiri.Rabitaankaas ah in waxyaabaha su’aal la iska weydiiyo lana raadiyo jawaabaha ayaa u horseedday wiil yar oo ku koray Addis Ababa inuu gacan ka geysto xallinta mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta waaxda hawada.Sida uu qabo, wax shaki ah kuma jiro in howlkarnimada iyo helidda dad uu ku daydo ay horseed u ahaayeen guushiisa. Balse wuxuu leeyahay “waxa ugu horreeya ee riyo markaad kleedahay, waa inaad qorshe yeelato kaddibna aad u shaqeyso riyadaada … xaqiiq waxaa jiraya caqabado balse ma joogsaneyso, sii wad shaqada”.


Like it? Share with your friends!