Shahaado Sharafeed Jaamacadeed “Honorary Phd”:


Spread the love
Waa maxay shahaado sharafeedda PHD or Doctorate.

– Ugu horayn,
shahaado sharafeed jaamacadeed waa shahaado jaamacadi sharaf ahaan u siiso
shaqsi mudan in lagu sharfo.

– Shahaado
sharafeedda jaamacadeed heerkeedu wuxuu gaadhsiisan yahay “Doctorate or
PHD, iyo Master degree”,waxaana la siin karaa shaqsi mudan oo taariikh
waxbarasho leh, shaqsi mudan oo aan lahayn taariikh waxbarasho sida jaamacad
iyo dugsi sare ba.

– Qofka lagu abaal
mariyo “Award” ama lagu sharfo shahaado sharafeeddani kuma darsan
karo taariikhdiisa waxbarasho, balse waxa loo ogol yahay inuu ku darsado qaybta
abaal marinta ee CV-giisa, waayo waxa la ogol yahay in loo isticmaalo sharaf
ahaan “Honorific”, siyaasad ahaan waa in laga fogaado in si khaldan
loo isticmaalo horgalahan darajada ah, sababtoo ah waxa jira sharci joojinaya
isticmaalka darajadan ah “Dr”.

Taariikhda:

– Taariikhda shahaado
sharafeeddan waxay ka soo bilaabmaysaa qarnigii 15 aad, ka dib markii ay
jaamacada Orford shahaado sharafeedan ku maamuustay nin la odhan jiray Lionel
Woodville

dabo-yaaqadii
1470-dii.

Sababta loo bixiyo:

– Waxa lagu abaal
mariyaa qofka si joogto ah loogu casuumo ka hadalka madasha xafladaha
qalinjabinta jaamacadaha.

– Hadii aynu si guud
u eegno, jaamacadaha dunidu sannadkasta shaqsi ayay lu abaal mariyaan shahaado
sharaftan.

Eray bixinta:

– Waa kalmad Latin ah
oo la yidha ‘ Honoris causa” taasi oo u taagan sharaf iyo geesinimo.

Isticmaalka:

– Run ahaantii,
isticmaalka horgalaha darajada shahaado sharaftani “Honorary Degree”
waa mid aanu darajo ahaan ‘Title” u isticmaali karin la siiyuhu, siiba
shaqsiga an lahayn taariikh taariikh waxbarasho, si aan bulshada loogu
khalkhalin darajadda Doctor ama Professor.

– Sanadii 2001-dii
jaamacada Yale university, waxay shahaado sharaftan siiyeen madaxwaynihii hore
ee dalka Maraykanka Mudane George W. Bush, walina maynu maqal oo marna maynu
arag iyada oo loogu yeedhayo Dr: Bush.

  Sannadii 1985 kii  jaamacada Oxford university ayaa ku
maamuustay shahaado sharaftan gabadhii Raiisal wasaaraha ka noqotay dal Britain
Mrs: Margaret Thatcher,loogumana yeedhin Dr: Margaret Thatcher.

  Inkasta oo ay jaamacaduhu magaca qofka ay ka
hor mariyaan Dr. hadana darajo ahaan “Title” looma isticmaali karo.

– Hadaba, aan ku soo
xidho tusaalahan oo muujinaya sida loo isticmaalo darajo ahaan shahaado
sharaftan,

( Benjamin
Franklin,  wuxuu shahaado sharafta
“Honorary master’s degree” ka helay ama siisay  jaamacada College of William and Mary,
sannnadii 1756 kii. jaamacada University of St. Andrews waxay siisay Honorary
doctorate sannadii 1759 dii, “Benjamin Franklin,who received an honorary
master’s degree from The College of William and Mary in 1756, and doctorates
from the University of St. Andrews in 1759”.).

Tixraac:

-Honorary Doctorate
Guidelines, University of Southern Queensland. 2012.

By: Jamal A. Muse


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments