Shaqooyinka ay halista ku hayso teknooloojiyadda


Spread the love

.

Waxaa jiraa shaqooyin qaar oo ka ciribtirmi doono dunida maadama ay soo ifbaxayaan aalado casri ah oo qaban karaa shaqooyinkaas xilli dunida ay ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka horumarinta shaqooyinka iyo waxsoo saarkaba.

Hadda iska jir shaqooyinka qaar ee qarka u saaran in la waayo sanadaha soo socda.

Darawalnimada

Darawalnimada ayaa kamid ah shaqooyinka meesha ka bixi karo xilli waaxyaha gaadiidka adduunka la casriyeeyay taas oo wax ka baddali karto dhammaan sida loo howlgeliyo.

Waxaa jiraa malaayiin qof oo ku tiirsan shaqada darawalnimada oo ka cabsi qaba in arrintani ay saameyso mustaqbalka.

Sida laga soo xigtay xarunta Goldman Sachs , dad lagu qiyaasay 3 malyan oo ku nool Mareykanka ayaa halis ugu jiraa inay waayaan shaqooyinkooda maadama ay soo korodhay teknooloojiyada casriga ah ee lagu kaxeeyo baabuurta.

Isbaddallada lagu saameeyo gaadiidka adduunka ayaa sii ballaaranayaa, 25-ta sano ee soo socota waxaa yaraan doonaa shaqooyinka darawalnimada.

Haatan waxaa dunida la wareegay qalabka teknooloojiyadda oo ganacsigii iyo suuqyada qabsaday, xitaa dowldaha qaar waxay bilaabeen xoojinta xirfadaha la xiriira teknooljiyadda.

Dowladda Jarmalka waxay bilowday inay taageerto mashruucan isla markaana waxay daneysay qorshaha ku aadan baabuurta sida iskood ah isku kaxeynayo.

Waxay sheegtay in meesha lagu gaaro 2040 in baabuur lagu qiyaasay 33 milyan ay geli doonaa waddooyinka dalkaas kuwaas si iskood ah isku kaxeyn doono.

Dhakhtarnimada

Waa arrin wareerkeeda leh maadama bukaanada ay ku tiirsan yihiin dhakhaatiirta.

Kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona wuxuu isbaddallo ku yimid waaxyaha caafimaada adduunka, waxaana la xaqiijiyay in xitaa dhakhaatiirta ay ku adkaatay inay ogadaan cudurrada qaar taa baddalkeedana lagu ogaado teknooloojiyadda.

Waxaana shaqadan halis gelinayaa qalabka casriga ah ee caafimaadka qaabilsan sida adeegsiga adeeg la yiraahdo ‘telemedicine’ oo horseedi karo in dhakhtarka uu xaaladda la socdo adiga oo jooga meel fog.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dhakhaatiirta

Waxay tani dhalin kartaa in laga maarmi karo dhakhaatiir fara badan maadama la adeegsanayo qalab casri ah.

Kadib saameynta Karoona, shaqaalaha caafimaadka waxay safka kaga jireen la tacaalidda bukaanada uu ku dhacay Covid-19 sidaa darteed qaarkood waxay halis u galeen in uu ku dhaco cudurka, tani waxay horseedi kartaa in uu hoos u dhac uu ku yimaado tirada shaqaalaha caafimaadka ee adduunka.

Shaqooyinka la xiriira maamulidda maktabadaha

Dadka waxay haatan isaga tageen maalmihii buugaagta lagu soo akhrin jiray maktabadaha iyo cilmo baarista lagu soo sameyn jiray, wax kasta waxaa baddalay dunida casriga ah.

Haatan waxaa dunida ka howlgalaa maktabado casri ah.

Xitaa baryahan dambe waxaa buugaagta laga heli karaa internetka oo qofka dhaalacan karo isaga oo gurigiisa joogo.

Maqal hayaha ( khasnaji )

Maalmihii hore waxaa jiri jiray qof lacagaha ka uruuriyay xarumaha ganacsiga iyo goobaha kaleba isaga oo kuu soo celinayo baaqikaaga.

Dunida casriga ah waxay horseeday in dadka intooda badan aysan adeegsanin lacagaha caddaanka ah.

Waxaa soo ifbaxay adeegyo casri ah oo lacagaha lagu xawisho ama lagala baxo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Adeegyadaha la xiriira waxaa haatan intooda badan laisku marsiiyaa Online-ka

Shaqaalaha bangiyada

Bangiyo badan oo adduunka ku yaalla, waxay haatan yareynayaan shaqaalaha maadama adeegyadaha lacagaha lagu sameeyo adeegyada casriga ah ama Digital-ka.

Mustaqbalka waxaa dhici kartaa in bangiyada qaar ay iska xiraan xarumahooda maadama adeegyada ay ku fulin doonaan Online-ka.

Dunida waxaa haatan si weyn loo maalgelinayaa ganacsiga Online-ka maadama adeegyada la xiriira lacagaha laisku marsiin karo halkaas.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments