Sharcinimada Qoraalkan Lagu sheegay Ururka Ay Ku Midoobeen Shirkadaha Laydhka Bixiya Ee “SEA”


Spread the love
Garyaqaan. Yuusuf Biixi” Talasame”.

Haayadaha Amniga iyo
Baadhista Danbiyada u qaabilsan Qaranka JSL, Waxay masuuliyad balaadhani ka
saarantahay inay hubiyaan, dhacdo kasta, oo aanay sida shacbiga iska rumaysan
waxay maqlaan ama ay arkaan, balse waxaa muhiima ah inay baadhis ku sameeyan  cidii soo qortay qoraalkan aan Lahayn
Jiritaanka Sharci

Intaan Laysla gaadhin
ama aan laga gor gortamin laydhka wakhtigaas ayaa la bakhtiinayaa iyo lama
bakhtiin karo, waxaa muhiim ah in xukuumadu ay ka jawaabto yaa awood u leh
qoraal noocana inuu bulshada lawadaago iyo su,alahan hoos ku xusan.

1. Waa ayo cida soo
saartay ee bulshada la wadaagtay war saxaafdeedkan bulshada khalkhalka galiyay?

2. Ururka
Iskaashatada Shirkadaha Laydhka somaliland Sheegatay  ee loo soo gaabiyay (SEA), ma tahay mid leh
jiritaan Qaanuuniya “Legal Entity”

3. Halkee ayay ku
midoobeen oo ay ka diwaan gashan tahay daladani, yaa soo xulay, imisa
shirkadoodbaa ku midoobay, sideebay isku doorteen xafiiskoodu waa halkee and so
on?

4. Sheegashadan magac
been abuurka ah iyo daladani khatar ma ku tahay amniga qaranka ?

4.ma jirtaa inay si
khaldan u diideen awaamiirtii haaydaha qaranka ee ay khusaysay, man jirtaa
awood aanay lahayn inay ku takrifashay ?

5. Ganacsato kasta
ama kooxkasta oo isku ganacsiyiba ma intay aad yar iska kulmaan ayay magac
iskaashato ama dalad ay la bixikaraan, mise waxaa jira xeerar iyo habraacyo lagu duwaan galiyo oo sharci ka
dhiga iskaashato am dalad ?

6. Shirkadaha laydhka
shida ee sharci ahaan uga duwaangashan somaliland ma yihiin kuwo ku dhawaaqay
warsaxafdeedkan mise waa cid shaadhkooda sifo sharci daro ku isticmaalaysa?

7. Ururka ay ku
midoobeen  shirkadaha laydhku waxay sadex
xubnood ku leeyihiin komishanka madaxwaynuhu magacaabo sida uu dhigayo, Xeer
Lr.81.2018 Xeerka Tamarta iyo korintada Somaliland balse waxaa iswaydiin leh
sababta ay ugu yeelan waayeen xubnahoodii komishanka miyaanay ahayn jiritaan
la,aanta dalad guud ee midaynaysa shirkadaha laydhka oo aan jirin awgeed?

Dhamaan su,aalahaas
oo dhan iyo jawaabahooga oo aan hubo inaanay ka jawaabikarin dhamaantood ururka
magacan “SEA” iska sheegatay, waxay cadayn u tahay inay baalmareen
sharciyadii qaranka u yaalay, isla markaana waxay ku mu taysanayaan
shakhsiyaadka qoraaladan lamabaradooda ku soo qoray in laga abaal mariyo
ciqaabta sharci ee ay mutaysanayaan,

Sidaas darteed waxaan
usoo jeedinayaa haayadaha ay khusayso inay talaabo sharciya ka qadaan intaan
lagawada hadal warsaxaafadeedka ay inala wadaageen ee sharciga baal marsan isla
markaana aan la quwayn waxaan sharciga waafaqsanayn.

Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan. Yuusuf
Biixi” Talasame”.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments