0

Tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel ayaa rajaynayaa in uu xiddiga N’Golo Kante taam u noqdo kulanka caawa ee premier League ay la ciyaari doonaan Tottenham.

Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Tottenham kulan adag oo ka tirsana premier League iyada oo Blues isha ku hayso in ay sii wado guulaha premier League.

Tuchel ayaa Ku soo gali doona shaxdiisa ugu adag kulanka isaga oo doonaya in uu sii wado guulaha waliba hogaanka la qabto kooxda Liverpool.

Xiddigaha Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen, Antonio Rudiger & Edouard Mendy ayaa la filayaa in ay sii haystaan booskooda shaxda kooxda ee kulanka.

Dhanka kale Lukaku oo qaab ciyaareed fiican ku jira tan ilaa markii uu kooxda yimid ayaa la filayaa in uu sii haysto booskiisa kulanka caawa ee premier League.

Halkan Kaga Bogo shaxda macquulka ah ee chelsea.

Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; James, Jorginho, Kovacic, Alonso; Mount, Havertz; Lukaku.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *