0

Antonio Conte ayaa la sheegayaa in uu xiisaynayo in uu tababare u noqdo kooxda Man United xilli uu doonayo in uu ku soo laabto horyaalka premier League.

Tababare Solskjaer ayuu cadaadis saaranyahay kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee Red Devils ka soo gaadhay kooxda Young Boys tartanka champions League.

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in uu Conte diyaar u yahay in uu shaqada ka badalo Solskjaer hadii ay Man United shaqada ka caydhiso tababaraha reer Norway.

Tababaraha reer Italy ee Conte ayaa si fiican u garanaya Premier League maadama uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay koob kula guulaystay kooxda Chelsea.

Conte ayaa caadi ahaan ku ciyaara shaxda 3-4-3 waana shax uu u helayo xiddigo fiican oo uu u adeegsado hadii uu tabaabre u noqdo kooxda Man United.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *