0

Real Madrid ayaa la filayaa in ay waayaan ugu yaraan 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah kulanka Villarreal ee ay maanta kula ciyaari doonaan Bernabue kana tirsan horyaalka La Liga.

Xiddigaha Dani Carvajal, Toni Kroos, Marcelo, Ferland Mendy, Gareth Bale & Dani Ceballos ayaa dhamaantood la filayaa in ay seegaan kulanka Villreal kadib markii ay seegeen kulankii Mallorca.

Tababare Ancelotti ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa kulanka iyada oo la filayo in ay shaxda ku soo laabtaan xiddigaha Luka Modric iyo Casemiro.

Los Blancos ayaa isha ku haysa in ay sii wadato guulaha cajiibka ah ee ay ka gaadhayso La Liga xilli ciyaareedkan waliba sii wataan qaab ciyaareedkooda fiican.

Shaxda macquulka ah ee kulanka:

Real Madrid: Courtois; Nacho, Militao, Alaba, Gutierrez; Asensio, Casemiro, Modric; Vinicius, Benzema, Rodrygo.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *