0

John walker lind

Xigashada Sawirka, TOBY HARNDEN PRIVATE COLLECTION / POLARIS

John Walker Lind wuxuu ku barbaaray qoys dabaqad dhexe ah oo haysta diinta Masiixiga ee madhabta katoolik ah oo ku yaal magaalada Mill Valley ee San Francisco. Dunida ayaa ninkan u taqaan ‘Talibanka Mareykanka’.

John Walker Lind ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee la xiro kadib markii uu bilowday ‘Dagaalka Argagixisada’. Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas George Bush ayaa ku dhawaaqay ‘dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ka dib dhacdadii 9/11.

John Walker ayaa lagu qabtay Pakistan. Wuxuu ka mid ahaa unug milatari oo ka tirsan Taalibaan oo ay ku jireen 75 qof oo ajnabi ah.

Bishii Luulyo 2002, wuxuu yiri, “Waxaan qirtay dembigayga. Waxaan ahaan jiray askari Taalibaan ka tirsan intii u dhaxeysay bishii Ogosto ilaa Disembar ee sannadkii hore. Waxaan qaadan jiray qori iyo laba bam -gacmeed waxaana ku sameeynayay rabitaankayga anigoo xor ah weliba anigoo og inay sharci darro tahay. “

John Walker ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu heshiis la galay Xafiiska Xeer Ilaalinta. Xukunkiisa oo ahaa xasbi daa’in ayaa laga dhigay 20 sano oo xabsi ah. Balse su’aashu waxay ka imanaysaa sida nin dhallinyaro ah oo reer Kaliforniya ah u noqday jihaad doon oo uu ku gaadhay xero tababar ciidan oo uu maalgeliyay Osaama bin Laden.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laga soo bilaabo ‘Malcolm X’ ilaa Osama bin Laden

Inkasta oo lagu barbaariyey deegaan madhabta kaatoolik ah, haddana u jeedsashada John Walker ee ku aaddan diinta Islaamka waxaa ay ku dhalatay isagoo da ‘yar. Aabaha John Walker, Frank Lind, ayaa sheegay in isaga oo 12 jir ah uu aad ula dhacay sawirrada Maka ee filimka la yiraahdo Spike Lee ‘Malcolm X’.

Halkaan baadigoobkiisii ​​ayaa ka bilaabmay, ugu dambayntiina maalin ayuu qaatay diinta Islaamka.

Abdullah Nana, oo ah Imaamka Xarunta Islaamka ee Mill Valley, ayaa waraysi uu BBC -da siiyay sannadkii 2011-kii ku sheegay, “John Walker wuu wareersanaa xilligaas. Ma garanayn meel uu adduunkan ka aadi doono. Sidaa darteed waxa uu raacay waddada diinta Islaamka.”

Sida uu sheegayo Abdullah Nana, wax yar ka dib markii uu qaatay Diinta Islaamka, John Walker wuxuu la xiriiray ururkiisa si uu u barto luuqadda Carabiga una fahmo Quraanka. Isaga oo 17 jir ah, waalidka John Walker ayaa u oggolaaday inuu aado Yemen si uu u barto Carabiga.

John Walker wuxuu ka soo laabtay Yemen oo wuxuu ku soo noqday California, dhawr bilood ka dibna wuxuu ku noqday Yemen, isagoo joogo Yemen ayuu aabihii warqad u qoray isagoo weydiisanaya inuu aadi karo Pakistan si uu u sii wato waxbarashadiisa.

Aabihii ayaa ku jawaabay, “Waxaan aaminsanahay go’aankaaga waxaanan rajaynayaa inaad ku raaxaysato tagitaankaas.”

Intaas ka dib John Walker wuxuu iska diiwaangeliyey madarasad ku taal magaalada Bannu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan halkaasna waxaa ka bilaabmay rabitaankiisa ​​xagjirnimada.

Isaga oo aan ogeysiin waalidkiis, maalin maalmaha ka mid ah John Walker wuxuu ka gudbay xadka wuxuuna gaaray Afgaanistaan ​​bishii Juun 2001.

John Walker ayaa tababar ciidan ku qaatay xerada tababarka Al-Faaruuq muddo laba bilood ah isagoo gacan ka helaya koox xagjir ah. Xeradan tababarka waxaa lagu maamulayay lacagtii Usaama Bin Laadin. Isla sannadkaas, John Walker ayaa laba jeer la kulmay hoggaamiyaha al-Qaacida Osama bin Laden.

Si kastaba ha ahaatee, Frank Lind ayaa sheegay in wiilkiisa uusan wax lug ah ku lahayn argagixisada. Waxa uu BBC-da u sheegay sannadkii 2011-gii, “John wuxuu ka mid ahaa kumanaan Muslimiin ah oo la dagaallamayay Isbahaysiga Woqooyiga Afgaanistaan ​​oo Ruushku taageero.”

Hase yeeshee, Michael Kertoff, kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud oo ku lug lahaa dacwadda John Walker, ma uusan rumaysan dooddii Frank Lind. Wuxuu BBC -da u sheegay 2011 -gii, “Wuxuu u shaqo tagay hay’ad u aragtay in Mareykanka uu yahay cadowgeeda, ururkaasna wuxuu taageeray weeraradii 9/11.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saamaynta Weeraradii 9/11

Horraantii Sebtember 2001, John Walker wuxuu ka mid noqday 75 nin oo ka kooban dagaalyahanno aan Afgaanistaan ​​u dhalan oo ku sugnaa gobolka Tahr ee Afgaanistaan. Isla waqtigaas waxaa dhacay weerarradii 9/11, wax walbana waa is beddeleen.

Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu weeraro Afghanistan oo uu xukunka ka tuuro Taalibaan. Toddobaadyo gudahood , Afgaanistaan ​​waa la duqeeyay, kooxda John Walker -na waa inay la yimaadaan dagaal aargoosi ah.

Markuu marayay saxaraha Kunduz, wuxuu isu dhiibay Isbahaysiga Waqooyi. John Walker waxaa lagu xiray qalcadda Qala-i-Jangi ee magaalada Mazar-i-Sharif, oo uu gacanta ku hayay hogaamiye kooxeed u dhashay Afganistan oo la yirahdo General Abdul Rashid Dostum.

Balse waxaa jiray rabshado uu dhiig badan ku daatay oo uu horseeday kacdoonkii maxaabiista Taalibaan oo boqolaal maxaabiis ah lagu dilay. Sarkaal CIA -da la shaqeenayay oo ka tirsanaa Isbahaysiga Waqooyiga ayaa isna ku dhintay dhacdadaas. John Walker isagana xabad ayaa lugta kaga dhacday wuxuuna naftiisa ula cararay dabaqa hoose ee dhismaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

John Walker

John Walker, oo la il -darnaa xanuunka hypothermia iyo dhaawacyo xabbadeed, ayaa laga daadgureeyay 1 -dii Diseembar 2001, halkaas oo ay ku xireen ciidamada Mareykanka.

‘Talibanka Mareykanka’

Wax yar ka dib markii la xiray, dadka adduunka oo dhan waxay bilaabeen inay John Walker u ugu yeeraan ‘Talibanka Mareykanka’. Frank Lind ayaa helay war ku saabsan xarigga wiilkiisa toddobo bilood ka dib markii ay warbaahintu qortay. Dhanka kale, ma uusan ogeyn halka uu joogay John Walker.

Sida laga soo xigtay Frank Lind, wiilkiisa ayaa la geeyay saldhigga Mareykanka ee Camp Rhino, oo 190 kiiloomitir koonfur -galbeed ka xiga Kandahar. “John waxaa la dhex geliyay weel bir isagoo weliba qaawan, muddo laba maalmood ahna waxba lagama qaban dhaawicii ka soo gaadhay saxaraha Afgaanistaan.”

Xeer ilaaliyaha guud John Ashcroft ayaa ku tilmaamay John Walker inuu yahay “xagjir Al-Qaacida soo tababartay oo Taaliban la shirqoolayay si ay u laayaan dadka rayidka ah”.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

John Ashcroft

Xiritaankiisa ka dib, sida ay ciidamada ammaanka Mareykanka ula dhaqmeen John Walker, ayay dadka sheegen in ciidamada ammaanka ay faa’iideysteen kiisak John Walker ka dib markii arkeen sawirro muujinaya John Walker.

Qaar ka mid ah sawirrada John Walker ayaa lagu baahiyay buugga Toby Harnden oo la yirahdo ‘Dhimashada Koowaad: ee Hawlgalka CIA ee Aargudashada 9/11’.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo soo xiganaya Toby Hornden, ayaa qoray in John Walker uu u sheegay maxaabiistii kale ee kula xidhnayd Afghanistan in uu ka yimid Ireland balse kacdoonkii Qala-e-Jangi ka dib, John wuxuu dhakhtarka u sheegay inuu yahay muwaadin Mareykana ah.

Kadib markii ay soo shaac baxday xogtan, erayga ‘Talibanka Mareykanka’ ayaa dhashay.

Waxaa jiray sawirro laga qaaday sida loola dhaqmay John Walker intii la xirayay, kuwaas oo qareenkiisu adeegsaday intii dacwaddu socotay.

Xigashada Sawirka, TOBY HARNDEN PRIVATE COLLECTION / POLARIS

Sawirada laga soo qaaday Xeradii Rhino, waxaa laga arki karaa John oo cago cad oo saaran bareele, indhahana iyo gacmahaba ka xiran. Qareenka John ayaa maxkamadda u sheegay in macmiilkiisa si xun loola dhaqmay.

Sida ku qoran buugga uu qoray Toby Hornden, John ayaa la sheegay inuu FBI-da u qirtay inuu wax ka ogaa qorshaha Al-Qaacida ku doonaysay inay ku weerarto Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilligii xukunka lagu riday bishii oo ahayd Oktoobar 2002, John wuxuu ku andacooday inuu khalad sameeyay markii uu ku biiray Taalibaan, wuxuuna si gaar ah u cambaareynayaa argagixisada.

Kadib markii uu xabsiga ku jiray 17 sano, sanadka 2019, warar ayaa soo baxay in John lagu fasaxay sii -dayn sharafeed.

Balse waxaa lagu soo rogay xayiraad ah in uusan isticmaali doonin internetka sidoo kale waxaa laga mamnuucayay inuu dalka ka safro. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan halka uu hadda John ku nool yahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *