Dawladda Shiinaha ayaa ergey cusub usoo magacawday gobolka Geeska Afrika iyadoo ergeygan cusubi uu hormuu u noqon doono danaha Shiinaha ee gobolka.
Diblomaasiga Xue Bing ayaa noqonaya ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan gobolka xasaradaha badan ee Geeska Afrika
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa hore u sheegay in ay danjire cusub usoo dirayaan gobolka si uu uga shaqeeyo xasiloonida, horumarka iyo danaha Shiinaha ee gobolka.
Geeska Afrika ayaa ah gobol muhiimad ballaadhan u leh dunida iyo isu socodka badeecadaha caalamka, iyadoo dawladaha Shiinaha, Maraykanka iyo Ruushku ay loolan ugu jiraan saamaynta gobolkan.