Sideed Wax U Qortaa?


Spread the love

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

 
Mararka qaar naftu ma
ku dirtaa oo wax qor ma ku tidhaa. Garashadaada ma carisaa oo muuqaal
maskaxeedyo ma isku dubarridaa. Ma moodaa in rabitaan xoog badan oo waxsoosaar
dhinaca maskaxda ah, naftu kugu dirqiyayso, haddana hiyigu ku hakinayo.
Doonistaas xoogga lihi adiga oo uba hoggaansan, misana dhinac aad ka bilawdo ma
garan waydaa.

 
Sideedaba horta sideed
wax u qortaa? Sideed qoraal ku soo saartaa? Marka aad go’aansato inaad maskaxda
tuujiso, ma inta aad qalin iyo warqad qaadato (ama intan danbe aalad adeegsato)
uun baad wax dareerisaa? Ma fikrad ayaad horta dhistaa, ka dibna adhaxdaa oo
qortaa? Ma tusmo ayaad horta samaysaa, ku horaysaa oo ku hagta? Mise horta waad
fikirtaa, maskaxda maashaa oo qoraalka ku dhex diyaarisaa? Ma weedho uun baad
iska dareerisaa, marka danbe isku toosisaa, mise kolba dhibicda kugu soo dhacda
ayaad dhitaysaa? Cinwaanka maxaad ka yeeshaa. Marka hore miyaad raadisaa, mise
gadaal ayaad ka heshaa?

 
Qoraal
qaayo leh

In lagu kala duwan
yahay u badi. Ruux ba inay si ugu badiso la soo weri. Tayda waxaan ku sheegi
karaa isku dhaf. Nooca qoraalkuna waa sarjaraha ugu wayne la soco. Isku si u
qorshayn maysid haddii aad qorayso qoraal cilmiyeed, maqaal ama sheeko-faneed.
Mid waliba qaab gooni ah buu leeyahay. Ha yeeshee, qoraalada qaayaha lihi, wax
badan ayay wadaagaan.

 
Mar baa jirta aan
qalinka iska qaato uun oo maskaxdu maaxato oo laga yaabo inay murti dararto.
Jeer kale oo waxa jirta aan qoraal hollado, balse aad maskaxda moodo inay
mudaharaad ku jirto, oo waxba soo tuujin waydo. Maxsuulka xubnaha jidhka oo aan
wada socon tani ku daa. Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan sow ma ahayn murtidii
Soomaaliyeed. Sidani, mararka qaar, xitaa hawlaha shaqadayda rasmiga ah la
xidhiidha waan kala kulmaa. Mar baa jirta degdeg wax lagaaga rabo, laakiin
haddana si uun aad uga maagayso. Markan oo kale, qof ahaan, haddii aanu jirin
degdeg ama culays maangal ah, waxay iigu tamarisaa inaan iskaga kaco oo baylah
kale ku tooso. Mar danbe oo aad moodo inay wax igu soo dageen ayaan sii daayaa
wixii aan hayey. Markani aan godlado, necbiyaa ciddii ama ruuxii maskaxdaa
irmaanaatay, gaagixisa ee wax kale la soo doonata. Maxaan dhibsadaa ciddii
dabuubtaa aan dareerin rabo, hakad galisa ama dhantaasha.

 
Marar baa jira aan dhib
kala muto helida mawduucii aan wax ka qori lahaa. Mawduuc marka aad hesho,
marinkii waad haysaa. Mar kale oo waxa dhici karta qoraal habqan ah aad iska
dareeriso. Markan waa qabyo. Haddiise la isku dubarido, wax macno leh, waa ka
soo bixi karaa. Midhkan ha yaraysan, waxaba dhacda, qormo ujeeddo la’aan iska
bilaabantay, in marka danbe, dabcan hawl dabadeed, ta ugu wacan soo baxdo.

 
Fahan
oo faaqid

Mawduuca aad wax ka
qorayso, fahan oo dhuux. Akhriska badso, qoraayo kala duwanna waxsoosaarkooda
maskaxeed dhugo. U fiirso habqoraalkooda; sida ay weedhaha u dhisayaan,
xulashada erayga iyo dulucda hadalka. Qoraalkaaga, inta aanad baahin, kala huf
oo kala haadi. Ku noqnoqo oo isha ka gur. Hubi oo tusmee. In cidi isha kaa daba
mariso ceeb ha u arkin. Ishaadu wax ay ilduuftay in ta ruuxa kale qabato ayaa
suurtagal ah. Sidaas ayaabay u badan tahay. Isku kalsoonow, kaligaana ha is
wada mahadin. Labadan isku miisaan.

 
Aftahamo
dhigan

Fududee oo ha adkayn.
Erayo sahlan oo la wada fahmi karo adeegso. Xeerarka qoraalka ha u daymo
la’aan. Hakad, joogsi, halkii xaraf wayn u baahan, xuruufta laballaabanta,
intaba si gaar ah uga feejignow. Adeegso hadal-bilayaasha farshaxamada muujiya
sida duurxulka, sarbeebta, qofaynta, halqabsiyada iyo humaagaynta.

Isku day in qoraalkaagu
hungurimar yeesho. Inuu noqdo kii Xasan Sh. Muumin AHUN sheegayey markuu erayga
dhigan ee Soomaaliga ka hadlayey ee uu lahaa:

 
 “Carrabku qaldi maayee,

Sidii caanaha
qudhqudhiya”. Waa halkii macallinkaygii jaamacaddee, Prof. Faarax Cabdillaahi
Fariid, ‘Faarax Shuun’, AHUN haddii aad rabto in qoraalkaaga aan laga xiiso
dhicin, quraanka aad u akhriso. Waxaad ka dheefi sida fikrad loo soo dhiso, loo
soo bandhigo, misana si asluubaysan oo awood badan loogu raaciyo weedho
xoojinaya doodda.

 
Asalka banaanna, dad
bay u fududahay inay fikradaha ku gudbiyaan erayga dhigan. Hadda imika abwaan
tix ahaan aragti ku soo gudbinaya ka hadli mayno. Waa ruux tiraab wax inoogu
sheegaya. Dadkaasi waxay xirfad gaar ah ama hibo u leeyihiin helida ereyo wada
dhiibsan oo habdhac iyo baadisooc gaar ah leh. Waa aftahano ku tamarisa
gudbinta adduun-arag qoddobaysan, nidaamsan oo akhristaha qunyar uga daadega.
Waa farsamo ruux kasta oo ku dadaalaa baran karo oo ka lib keeni karo.

 
Xilkasnimo
ogow

Ogow qoraalku waa
mas’uuliyad. Waa shaqo ay tahay in si xilkasnimo ah loo guto. Isagu waliba
hadalka la iska yidhi, wuxuu dheer yahay, waa dhaxalgal oo wuu dhigmayaa. Waa
halkii hoobalkii Cabdi Sinimoo’e, AHUN, “Wixii la qoraa, quruumo hadhee, muxuu
hadal qiimo leeyahay.”

Amaanadaas waa in
qalinku u guto si xilkasnimo ah. Ruux jeclaysi iyo eex kuma tamariyo. ‘Walee
qaaf ujeeddo leh, qiimahayga kuma rido’, waakii ku maansooday macallinkaygii,
abwaan Gaarriye AHUN.

 
Qalinka mas’uulka ah,
waxa ka reebban, ruux ku weerar, ku difaac, ku aarsi  iyo ku danaysi gaar ah si aad si leexsan dux
ugu hesho. Waa xil ay tahay in cidda kartidaas lihi ay qiimigeeda ku
baraarugsanaato, ka dibna umadda ugu adeegto hubanti, hufnaan iyo asluub.

 
WQ: Cabdiraxmaan Aadan
Maxamuud

E-mail:
[email protected]


Like it? Share with your friends!