Siidhiga Ciro Iyo Sutti-Gaashaanta Muuse Sharkooda Alle Ha Inaga Nabadgeliyo


Spread the love
W/Q: Kaysar Maxamed

Asalaamu Calaykum

Jimce Wanaagsan

Marka hore Siidhiga
Murashax Cabdiraxmaan iyo Sutti-gaashaanta Madaxweyne Muuse Biixi sharkooda
Alle ha inaga nabadgeliyo. Aamiin.

Weligay ismaan  odhan Somaliland ayaa laga waayi cid runta
dadka u kala sheegta oo nimankan isa sudhan, kii khaldan khaladkiisa farta ku fiiqda oo ku tidhaa waar Ummada ka
fadhiiso waad khaldan tahaye.

Culimo iyo Cuqaal,
Wadaad iyo Waranle Guurti iyo Baarlamaan ilaa imika waxoodu waa hoos u guux iyo
Cali gar leh, Cumarna gar leh.

Somaliland waligeed
may soo marin heerkan kala gabashada ah ee Sheekh iyo Shariifba lagu jiro.
Somaliland waxay ku soo caano-maashay oo dhaqan u ahaan jirtay in Runta la isu
sheego oo kolba cidii khaldan farta lagu fiiqo oo dariiqda saxda ah lagu soo
duwo.

Waxaa loo baahan
yahay in Runta la isu sheego oo la yidhaahdo laba mid uun.

1. Cabdiraxmaan iyo
Faysal iyo Xirsiyoow waad khaldan tihiine dadka ha wareerinina ee tartanka
ururrada gala oo wixii Alle idinka siiyo ku biyo cabba.

2. Madaxweyne Muusow
waad khaldan tahaye haku kibrrine doorashada Madaxtooyada qabo, oo waa lagaa
saxsan yahaye dalka fawdada ka daa.

Ka dibna kolba kii
khaldan Ummada loo sheego oo la yidhaahdo UCID iyo Wadani ayaa khaldane
dadweynoow iska qabta.  Ama la yidhaahdo
Madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisa ayaa khaldane rida oo is dhaafiya.

Ummada reer
Somaliland gudo iyo debedba intaas in loo sheego ayay doonayaan oo  loo loo caddeeyo labada dhinac ka khaldan si
dhinaca khaldan runta loogu sheego oo la isaga qabto.

Allah dariiqa toosan
ha ina waafajiyo If iyo Aakhiraba. Aamiin.

Jimce Wanaagsan


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments