Siyaasiyiintu Iyagaa Saxiibo Ah, Iyagaana Is Curyaamiya Dalkana Way Curyaamiyaan.


Spread the love

Daraasad aan ku sameeyo Siyaasiyeenteena iyo go’aanada

Marka ay timaado siyaasada xaajadu maaha sida aad u
maleyneyso “Dadku waxay u maleynayaan inay Siyaasiyiintu u fikraan sida
saynisyahannada wax maqan saadaaliya ama sida Qareenada sharciyada ka fikira.

 
Inta badan Khurafaadlayaasha saxan ama khaldan ee
Saynisyahannadu ma daneeyaan jawaabta saxa ahi waxa ay tahay , lakiin waxay
eegaan xogta ,waxayna soo gabagabeeyaan shaqadooda sax ama khalad midkay doonto
ha ula muuqatee,kadibna wixii iyaga agtooda suura gal ka ah ee usoo baxay ayay
Dunida ka iibiyaan.

 
Sidoo kale Sharci yaqaanadu ama Qareenada way ogyihiin
gabagabada ay rabaan inay gaadhaan marka ay shaqadooda sharci ku dhex jiraan , kadib
waxay adeegsadaan xaqiiqooyin run farabadan ku fadhiyaa oo qodobadooda wata
,taasi ayanay kusoo gabagabeeyaan shaqadooda,lakiin siyaasiyiintu labadaasi
midna maaha,sidoo kale wax layskaga daydo ama la kala Koobi gareeyana maaha
waana tan inagu badan Maanta.

 
Daraasad aan ku sameeyo Siyaasiyeenteena iyo go’aanada ay
qataan xiliyada ay xaaladaha Siyaasadeenu ay kacsan tahay ,waxaa ii muuqatay in
ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karin duruufta markaasi jirta iyo sida ugu
fiican ee lagu xaliyo ,waana mida kaliya ee maanta Siyaasiyiinta Dunidu ay ku kala hormareen.

 
Dunida maanta waxa lays waydiiyaa>
 
-Xukunada Dilku miyay ka hortagaan Dambiyada had iyo goor
dhacaaya ?
 
-Isbedelka Cimilada ee Dunida ,ma Adanaha ayaa mas’uul ka ah
mise ?
 
-Qoryaha iyo Hubka khatarta ah samayntooda ,khasaare iyo
fa’iido iyama badan maanta Dunida?

 
Maxay tahay sababta ay Siyaasiyiinta qaarkood inoo
yidhaahdaan”””* Maya maya ma yeelayno marka ay Dalka Siyaasad
khaldan ay geliyaan””? , laga yaabee in tijaabadaasi/hawlgalkaasi uu
yahay mid ay wax ka khaldameen iyaguna ay yihiin kuwa masuulka ah khaladkaasi
wax xumeeyey”?

 
Lakiin waa xarfaan Siyaasiyiinta qaarkood !* waxaanay
sameeyaan waxay wax ka bedalayaan macluumaadka aynu markaasi arimahan laysku
hayo aynu ka hayno”” mar hadii Macluumaadkii aad arinta ka haysay
lagaa khaldana macnaheedu waxa uu noqonayaa in aadan waxbaba la socon ama aad
tahay siday unoogu yeedhaan Maati iyo Caruur.

 
Waxa cajiib iila muuqata hadaba in aad aragto ama aad
maqasho siyaasiyiin kuula muuqda in ay kala aragti duwan yihiin ,isla markaana
ka hadlaaya wakhti kasta xaqiiqooyin u muuqda in ay kala fog yihiin sawirka
guud ee ay kuu dhiseen adiga ,balse aakhirka ay sheekadu kusoo dhamaato in ay
isku wax ka wada hadlayaan.

 
Haddii Siyaasiga ay siyaasadiisu la jaan qaadi waydo
isbeddelada iyo xilliyada, awoodda ay leedahay dawladiisu ,isla markaana ay
dabooli waayaan baahiyaha dadka si tartiib tartiib ah, Naxariis iyo kalgacalna
uu u galiwaayo Dadkiisa Dhibaataysan ,way ku adkaandoontaa in ay kacdoonada
Dadwaynahu marka ay dhacaan ay wax ka qabtaan,aakhirkana waxa ay ku danbayn
donaan in ay iyagu iska horyimadaan isna naafeyaan Dalkana ay dib u dhac
farabadan u gaystaan.

 
Adiga akhriste maxay kula tahay ?

 
W/Q Khadar Ibrahim Aar.


Like it? Share with your friends!