0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in uu khalad sameeyay kadib markii uu go’aansaday in uu ku bilaabo Harry Maguire kulankii ay Leicester City premier Leageu.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ciyaarta kadib la hadlay shabakada BBC Waxan uu yidhi”Aniga ayaa doortay shaxda, waxana aan ku daray Harry Maguire, aniga ayaana khalad leh hadii ay shaqayn wayday”.

“Hadii 4 gool nalaga dhaliyay Waxa ay u badantahay in aan anigu leeyahay khaladka”.

“Beryahan dambe ma aanan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican, waxaan luminay dhibco aad u badan waana in aan eegno waxa is badalay”ayuu sii raaciyay.

Solskjaer ayaa doortay inuu ku soo bilaabo Maguire guuldaradii 4-2 ee ka soo gaartay Leicester Sabtidii inkastoo uu dhaawac ka soo kacay khamiistii.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu Qof Kaa Fog Kuu Xiisay? Calaamadahan Ayaad Kuu Sheegaya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *