Somaliland Ma Xeer Iyo Dastuur Kaliya Ayaa Muranka Siyaasadeed Lagu Xaliyaa?


Spread the love
W/Q: Mohamed Abdi Jama

Waa su’aal aad la isku
weydiinayey xiliyadani uu taagnaa khilaafkii siyaasadeed ee ubucdiisu ahayd
muranka doorashooyinka dalka , kaasi oo sharcigii dalka koox waliba ula kacday
dhinacii ay dooneysay.

 

Haddaba sida ku cad
qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 1aad hanaanka
siyaasadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku dhisan yahay ;

 

Nabad

Talowadaag

Dimuqaradiyad &

Hanaanka xisbiyada
badan.

 

Inaga oo ka duuleyna
qodobkani ayaa uu sax yahay wax walba oo lagu dhameyn karo muruga iyo muranada
sharci sida talowadaag ama wadatashi ( consensus) oo is faham laga gaadho in
laga heshiiyo waxii la isku hayey , markaa qariib maaha arinkaasi oo wid aynu
ku soo dhaqmi jirnay.

 

YAA KAWADA HADLAYA AMA
KAWADA TASHANAYA MARBA MURUGA SIYAASADEED EE TAAGAN ?

 

Su’aashanina jawaabta
aynu ka bixinaa waxa ay mad-madawga ka saareysaa wax badan oo baryahan dambe loo maaro laayahay .

 

Haddaba hadii waxa la
isku hayaa doorasho yahay waxa kawada hadlaya cidwaliba oo doorashada ka qayb
galeysa oo lagala tashanayaa ( stakeholders) oo wax ku yeelanaya talada iyo
is-fahamka la rabo in laga gaadho arinka la isku hayo.

 

Khilaafkii jamhuuriyada
Somaliland ka taagnaa mudadii ugu dambaysay waxa uu ahaa laba qaybood oo kala
ah ;

 

1- Qabsoomida
doorashooyinka madaxtooyada & ta ururada siyaasada.

 

2- Sida ay u kala
horeynayaan ama loo kala hoq qabanayo iyo mudnaanta ka qayb galayaasha (
xisbiyada & ururada siyaasada)

 

Dooda laba xisbi
mucaarid ayaa ahayd in doorashada madaxweynuhu in ay xaq u leeyihiin in sadexda
xisbi qaran oo kali ahi ka qayb galaan , sidoo kale waxa ay sheegayeen in
doorashadani tahay dastuuri ta ururada na xeer jideeyey.

 

Waa dood jaban sida ku
cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 22naad faqradiisa 1aad iyo
sida ku cad qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 3aad
iyo xeerarka lr-91 iyo lr-14 xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada
Somaliland waa dastuuri waliba mudnaanta leh.

 

Markaa doorashada
ururada siyaasadu waa dastuuri ka mudan doorashada madaxweynaha maadaama ay
siddo xuquuqda iyo xaqa siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland oo
dhan .

 

URURADA SIYAASADU MA KA
QAYB GALI KARAAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA?

 

Ma jiro wax u diidayaa
mar hadii laga wada hadlay oo is faham laga gaadhay doorashadii golaha
deegaanka iyo doorashadii wakiilada oo la isla gartay in mar lawada qabto ,
halkaasi waxa meesha lagaga saarey xoogii iyo cududii codka ay ku helayeen
ururada siyaasadu oo ahaa doorashada deegaanka.

 

Markaa maxaa diidaya
maadaama la gaadhay 10 kii sanadood, sadexda xisbi xiligoodii sharciga ahaa
dhamaaday in ururada siyaasadu ka qayb galaan doorasho kasta oo dalka ka
dhaceysa iyaga oo u maraya sifaha dastuurka qodobkiisa 9aad  sheegay.

 

Dadka qaar ayaa
adeegsaday in doorashada uu galayo uun xisbi oo isla qodobka 9aad ee dastuurka
faqradiisa 2aad adeegsaday, laakiin faqradani ma sheegayso cida doorasho ka
qayb galeysa ee waxa ay xadideysaa axsaabta siyaasada ee dalku yeelanayo in
aaney sadex ka badanin.

 

Doorasho ururo galaan
ma jirtaa ama hore ma u jirtay ? Haa doorashooyinkii golaha deegaanka ururada
siyaasada ayaa gali jirey ama ururada siyaasada iyo axsaabta siyaasada ayaa
wadagali jirey markaa ma jirto doorasho xisbiyo kali ah u xidhani.

 

Isku soo wada xoori
doorashooyinka dalka ku soo fool leh ururada siyaasadu in ay ka qayb galaan
qodob ama xeer u diidayaa ma jiro , markaa talada iyo wadatashiga arimaha
doorashooyinka xaq bay u leeyihiin.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


Like it? Share with your friends!