Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid eedeyn uga timid Soomaliland oo la xiriirta in dowladda Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba, hadalkaas oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland uu sheegay
Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay in sanadkaan aaney shacabkeedu qayb ka ahayn dadka xajinaya sababo la xiriira arrintaa.
Haddaba Wasiirka diinta iyo awqaafta ee soomaaliya Cumar Cali Rooble oo edayntaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasaden isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo mamaul goballeed toonah.