0

Weeraryahanka Tottenham Son Heung-min ayaa qirtay inuu taageere u ahaa Manchester United markii uu soo korayay sababtuna ay tahay inuu aad u jeclaa Halyeeyga Kuuriyada Koonfureed Park Ji-sung.

Park, oo hadda hawlgab ah, ayaa in ka badan 200 kulan u saftay Red Devils intii u dhexeysay 2005 iyo 2012 waxaana mar walba lagu aamini jiray kulamada iyada oo uu Sir Alex Ferguson ku kalsoonaa.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa kooxdii ugu dambeysay ee Sir Alex Ferguson ee ku guulaystay horyaalka premier League iyo champions League sanadkii 2008.

Wuxuu sidoo kale ka caawiyay Kuuriyada Koonfureed inay gaarto semi -finalka Koobka Adduunka 2002 -dii taas oo ka dhigtay Halyeey qaran.

Markii la weydiiyay kooxdii uu taageeri jiray markii uu da’yarka ahaa ayuu ku jawaabay”Manchester United sababta oo ah sida iska cad waxa u ciyaarayay Ji-sung”.

“waxa uu ahaa Geesi qaran, Kuuriya sidoo kale waxa la sheegaa in uu laba qalbi leeyahay, Wuxuu ii yahay halyeey qaran. Waa saaxiibkeyga wanaagsan”.

“Waxa uu xiddiga Kuuriya baray sida loo ciyaaro, waxa uu nasiiyay Fursad iyo Rajo”.

“Ma ahayn wax fudud in uu ahaa xiddigii ugu horeeyay ee ka ciyaaray premier League sidaas darteed waxa aan taageeri jiray Man United laakiin haatan ma taageero”.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *