Soomaalida ‘ku mirqaanta Jiraca’ iyo xogta seyniska ee ku saabsan xayawaankan


Spread the love
Jirac

Xigashada Sawirka, Getty Images

Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in nooc ka mid ah quraanjada, oo ay Soomaalidu u taqaan “Jirac” uu ka mid yahay daroogada.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii la arkay dad xayawaankaas dab ku kululaynaya kaddibna uumigiisa neef ahaan u qaadanaya si ay ugu mirqaamaan.

Sarkaal ka tirsan booliska oo la hadlay telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in dadku ay si ulakac ah u isticmaalaan Jiraca, iyagoo “qaybo ka mid ah ka jara jirkiisa ka hor inta aysan dabka saarin”.

“Jiraca wuxuu ka mid noqday maandooriyaha. Waxaa laga jarayaa dabada kaddib dabka ayaa la saarayaa waana lagu daboolayaa, marka uu muddo karkaro oo uu qaac sameeyo ayaa lasoo fariisanyaaa sanka ayaana la wada saaranayaa,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa dad badan ku noqotay mid ugub ah, inkastoo qaar kalena aysan fajac ku noqonin.

Hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa ka digay in la isticmaalo Jiraca oo leh aashito halis ah, taasoo sababi karta madax wareer, lalabo iyo matag.

Jiraca maxaan ka naqaannaa?

Jiraca oo magaciisa seyniska afka qalaad loogu yaqaanno uu yahay “tapinoma sessile” ayaa caan ka ah dunida, waxayna khubarada caafimaadka sheegeen in ay jirkiisa ku jirto sun aashito ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa uu ka mid yahay bahda quraanjooyinka ee ka kooban afarta qaybood, oo kala ah: Quraanjada guriga ee udugga leh, Quraanjada sokorta oo ay Soomaalidu u yaqaannaan Macaan jecel, Jiraca iyo quraanjada qumbaha.

Bahda quraanjada ee uu ka mid yahay Jiraca aan ka hadlayo ayaa ka mid ah xayawaannada ugu adkaysiga badan ee la qabsata cimilo walba, sida lagu qoray bogga ka faallooda arrimaha xayawaannada ee “Animal Diversity”.

Jiraca marka la taabto ayuu kasoo baxa qurmuun, kaasoo ka imaanaya sunta aashitada ee jirkiisa ku jirta oo uu hub ahaan u adeegsado.

Dhulka uu qabowga xad dhaafka ah iyo kulalyka daran ka dhaco ee Waqooyiga Ameerika ayay quraanjadu si caadi ah ugu nooshahay, waxayna ka mid tahay nooleyaasha ma guuraanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga qaboobaha ayay dhalaan ukumaha ugu badan, sida lagu sheegay xogtan.

Horay waxay seynisyahannada u ogaadeen in maaddooyin maandooriye ah laga heli karo jiraca, kuwaasoo lagu fahmay daraasado lagu sameeyay.

Waxaa sidoo kale jiray in la arkay shimbiro u muuqda “inay saqraansan yihiin” kaddib markii ay wax badan ka cuneen quraanjooyin uu ka mid yahay jiraca.

Booliska Soomaaliya ayaa hadda sheegaya in jiraca uu ku yaraaday meelaha qaar, maadaama aad loo raadinayo si loogu isticmaalo daroogo ahaan.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments