Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xiriirka labada dal


Spread the love

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta oo arbaco ah kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Iskaashiga ee labada dal, gaar ahaan sidii Dowladda Shiinaha ay kaalin uga qaadan laheyd gurmadka Abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa Safiirka warbixin ka siiyay heerka ay gaartay Abaarta, isaga oo ugu baaqay in ay kala qeyb galaan gargaarka loo sameynayo Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Shiinaha ayaa sheegay in markasta garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed, isla markaasna ay ka qeyb qaadan doonaan Gurmadka dadka ay saameysay Abaarta.


Like it? Share with your friends!