Soomaaliya: Maxaa sababay madaxweynaha 10-aad iyo baarlamaanka 11-aad?


Spread the love

Soomaaliya waxaa 15kii bishii lasoo dhaafay ee Maay 2022 lagu soo gabagabeeyay doorasho waqti dheer qaadatay, waxaana ugu dambayntii ay yeelatay baarlamaanka 11aad oo doortay madaxweynaha 10aad Mudane Xasan Sheekh Maxamed oo xilka loo igmaday, su’aasha iswaydiinta mudan oo aan qormadan diirada ku saarni doonno, innagoo milicsanayna taariikhda waxay tahay, maxaa keenay isdhaafka tirada madaweynayaasha iyo golaha baarlamaanka dalka Soomaaliya soo maray?

31-kii Janaayo sannadkii 1961-kii waxaa soo baxay xeer lambar 5 oo lagu yagleelay Jamhuuriyada Soomaaliya, oo markaas si rasmi ah u yeelatay baarlamaankii koowaad oo ka koobnaa 123 kursi, kuwaas oo ku yimid doorasho shacab oo ka dhacday koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Doorashooyinkii golaha xeer-dejinta ee Soomaaliya ka dhacay sannadkii 1964-kii waxaa lagu sameeyay baarlamaankii labaad ee dalku yeeshay oo sidoo kale ka koobnaa 123 xubnood. Muddo xileedkii xigay ee 1969-kii waxaa sidaas si lamida guud ahaan dalka si nabadgalyo leh uga qabsoomay doorashadii xubnaha baarlamaankii sadexaad, balse aysan u suuragelin inay madaxweyne doortaan maadama xukunkii dalka ay si xoog ah kula wareegeen ciidamadii kacaamay.

Kahor inta aysan ciidamadu afgambin dawladdii rayidka ahayd, Soomaaliya waxaa soo maray sadex baarlamaan iyo laba madaxweyne oo kala ahaa Allaha u wada naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Intaas kadib, mudadii uu kacaabku xukunka haayay waxaa dalka ka dhacday laba doorasho, oo lagu sameeyay gole xeer-dejin, taasoo ay iska cadahay inaan lagu qaban hab dimuqraadi ah oo hufan, balse tirada iyo sooyaalka baarlamaanka Soomaaliya lagu daray. Sannadkii 1980-kii kacaanka ayaa qabtay doorashada baarlamaankii afaraad oo ka koobnaa 171 kursi, dhawr sanno kadib sidaas si lamida ciidamadii xukunka haystay ayaa abaabulay doorasho kale oo aan wax badan ka duwanayn midii hore, sannadkii 1985-kii waxaa la doortay baarlamaankii shanaad oo tiradiisu ahayd 173 xubnood.

21 sano kadib markii xukunka laga riday kacaankii ciidamada, sannadkii 1991kii waxaa kulan dib-u-heshiisiin ah lagu qabtay dalka Jabuuti kaas oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa si kumeel-gaar ah waxaa xilka madaxweynaha afaraad ee Soomaaliya loogu dhiibay AUN Cali Mahdi Maxamed, iyadoo aan la dooran ama aan la samayn gole xeer-dejin/baarlamaan.

Waxaa intaa xigay in si isdaba-joog ah loo doortay dawlado kumeel-gaar ahaa oo ka bilawday, magaalada Carta ee dalka Jabuuti, sannadkii 2000 waxaa la unkay baarlamaankii lixaad oo ahaa 245 xubnood oo isla markaana doortay madaxweynihii shanaad oo noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo madaxweynihii lixaad AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku doorteen baarlamaankii todobaad (275 kursi) sannadkii 2004, intaas kadib mar kale ayaa dib loogu noqday dalka Jabuuti sannadkii 2009 wxaana heshiis siyaasadeed iyo xulasho qabiil ku yimid baarlamaankii sideedaad (550 xildhibaan) waxayna doorteen madaxweynaha todobaad oo ahaa Shariif Sheekh Axmed, oo suuragaliyay in doorashadii xigtaa ay ka dhacday gudaha Soomaaliya.

Intaas wixii ka dameeyay Soomaaliya waxa ay ka baxday nidaamkii kumeel-gaarka ahaa oo waxaa sannadkii 2012 la sameeyay baarlamaankii sagaalaad (275 xeer-dajiyaal) ayaa doortay madaxweynihii sideedaad oo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu dhammaaday mudo xileedkoodii sannadkii 2017, waxaa la hirgaliyay barlamaankii tobanaad (275 xubnood) oo doortay madaxweynihii sagaalaad oo ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawr bilood kahor baarlamaanka kow iyo tobanaad ayaa doortay madaxweynaha tobanaad ee hadda talada haya, waxaana la filayaa in ay wali sii socon doonto tixanaha tirada isdheer ee golaha sharci-dejinta iyo madaxweynaha dalka, waase haddii hannaanka qori is-dhiibka ee dawladnimada Soomaaliya uu si nabadgalyo ah usii socdo.

W/Q: Abubakar Yasin


Like it? Share with your friends!