0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa sheegay in uu Lionel Messi u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or sanadka ee 2021.

Waxa si weyn loo sugayaa bixitanta abaalmarinta Ballon d’Or oo haatan la shaaciyay 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta sanadkan.

“Waxaan u maleynayaa in Leo Messi uu u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or sababtoo ah wuxuu ku qaatay sanad cajiib ah heer shaqsiyadeed”weeraryahankii hore ee Barcelona Luis Suarez ayaa u sheegay Olé, sida laga soo xigtay RMC Sport.

“Inkastoo uu kaliya Barcelona kula guuleystay Copa Del Rey, hadana waxa uu ku guulaystay gool dhalinta La Liga”.

“Wuxuu ku guuleystay Copa America, isagoo noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya ee qaarada”.

“Waa Abaalmarin uu u qalmo marka loo eego waxa uu ku guulaystay sidoo kale way adagtahay in si joogto ah loo soo bandhigo qaab ciyaareed fiican sanado badan, waa wax aan suurtagal ahayn”ayuu sii raaciyay”


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *