0

Kooxda chelsea ayaan ku guulaysan doonin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan sida uu sheegay supercomputer.

Blues ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo Dhinaca Xarfada kaga horeeya Liverpool kadib markii ay si cajiib ah ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

Supercomputer-ka xarunta daraasaarka kubada cagta ee CIES Football Observatory ayaa saadaaliyay in ay chelsea ku dhamaysan meel ka fog kaalinta 1-aad.

Xaqiiqda ayaa ah uu Supercomputer u saadaaliyay Chelsea kaalinta 4-aad kadib markii la uruuriyay xaqiiqooyinka kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda.

CIES Football Observatory ayaa adeegsatay xogo badan oo ay ka mid tahay xogtii ugu dambaysay ee sanadkii la soo dhaafay iyada oo la adeegsaday lacagtii suuqa la galiyay iyo waliba khibrada xiddigaha.

Sababtaas darteed Man City ayaa loo saadaaliyay in ay ku guulaysato horyaalka premier League maadama ay haysato xiddigo ku guulaystay horyaalka sanadihii ugu dambeeyay.

Man United ayaa loo saadaaliyay in ay kaalinta 2-aad ku dhamaysan doonto kadib markii ay la soo saxiixatay xiddiga Cristiano Ronaldo halka Liveprool loo saadaaliyay kaalinta 3-aad.

Halkan Kaga Bogo Saadaalinta oo dhamaystiran:

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *