0

Suudaan Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Suudaan ayaanan qaadin tallaabooyin muhiim ah oo ay ku caadiyaynayso xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil tan iyo bishii Abriil markaas oo ay golaheeda wasiirrada meesha ka saareen qaadacaad muddo tobonnaan sanadood ah soo jirtay oo uu dalkaas ku dhaqmayay, wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sidaasi ku sheegtay wareysi ay siisay barta internetka ee The National News.

“Ma jirto wax astaan ah oo lagu caadiyaynayo xiriirka Israa’iil … mana jiro wax wadahadallo ah oo rasmi ah oo ay saraakiishu leeyihiin,” ayey bartaasi internetka ee uu fadhigeedu yahay waddanka Imaaraatka Carabta ka soo xigatay Maryam Saadiq Al Mahdi.

“In Meesha laga saaro sharci qaadacayay Israa’iil kama dhigna inaynu ka baaraandegi doonno inaan Khartuum ka furno safaarad ay Israa’iil leedahay,” ayey ku sii dartay.

Ms Mahdi ayaa sheegtay in baarlamaanka cusub, kaas oo aanan weli la dhisin, uu arrintaasi la tacaali doono.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Maryam Saadiq Al Mahdi ayaa sheegtay in baarlamaanka cusub uu go’aan ka gaari doono sida loo caadiyeen doono xiriirka lala yeelayo Israa’iil

Waxa ay intaasi ku dartay in hagaajinta xiriirka Israa’iil uu muhiim u ahaa horumarinta xiriirka Mareykanka, waxaana ay sheegtay in arrintaasi ay horseedday in Suudaan laga taageero inay ku biirto Hay’adda Ganacsiga Adduunka kaddib ku dhawaad labaatan sanadood oo ay ku guuldarraysanaysay inay hay’addaasi ku biirto.

Sanadkii la soo dhaafay Suudaan waxa ay ku biirtay Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Marooko dalalkaas oo ogolaaday inay caadiyeeyaan xiriirka Israa’iil.

Doodda ka taagan in madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir lagu wareejin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada si uu u wajaho eedo dambiyo dagaal, ayaa waxa ay sheegtay in golaha ku meelgaarka ah ee Suudaan ee ka kooban milateriga iyo rayidka – kaas oo dalka maamula – uu arrintaasi ku kala qeybsan yahay.

Todobaadkii tegay, ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Axmed Xamduuk – oo ah rayid – ayaa sheegay in laga hortagay iskuday afgambi oo ay ku dhaqaaqeen “canaasiir ka tirsanaan jirtay maamulkii hore”.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Suudaan ayaa noqotay dalkii shanaad oo ka tirsan dalalka carabta oo aqoonsado Israa’iil

Bishii Oktoobar 2020-kii ayey aheyd markii madaxweynaha Mareykanka ee xilligaasi, Donald Trump uu shaaciyay in Suudaan ay dib u soo celineyso xiriirkii ay laheyd Israa’iil.

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay ‘in ugu yaraan shan dal oo kale oo Carbeed’ ay doonayaan in heshiis nabadeed ay la galaan Israa’iil.

Waxay arrintasi timid kaddib markii Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil.

Labadaas dal ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay Bariga Dhexe ee aqoonsado Israa’iil muddo 26 sano gudahood.

Urddun waxay heshiis nabadeed la gashay Israa’iil sanadkii 1994-tii halka Masar ay heshiis la saxiixatay Israa’iil sanadkii 1979-kii.

Heshiisyada ay gaarayaan qaar kamid ah dalalka carabta iyo Israa’iil waxaa dhaleeceeyay Falastiiniyiinta oo u arko in la khiyaanay.

Waddamada carabta ayaa horraan heshiiska Israa’iil ku xiray shuruudda ah inay isaga baxdo dhulka ay xoogga ku qabsatay kaddib dagaalkii 1967-dii.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *