0

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa si arxan darro ah loogu digtay kadib markii uu rikoodhe khasaariyay kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa.

Wax yar kadib markii ay Aston Villa dhalisay goolka 1-aad Man United ayaa heshay rikoodhe ay ku dhalin karto goolka bar-baraha laakiin Bruno ayaa ka khasaariyay rikoodhada.

Kadib rikoodhada waxa ay taageerayaasha Premier League si arxan daro ah ugu digteen xiddiga reer Portugal iyaga oo sheegay in uu Bruno kubada geeyay Cirka.

Taageere ayaa yidhi”War ayaa na soo gaadhaya in la diray dayax gacmeed si kubadii Burno looga soo qaado Space”

Mid kale ayaa yidhi”War-deg-deg ah, Kubadii Bruno ayaa lagu arkay Space sida ay sheegtay NASA”.

“Ma jiraa qof uga digay Xarunta Hawada Sare ee Caalamiga ah Kubada Bruno?ayuu mid kale yidhi.

Taageere kale ayaa yidhi”Kubadii Bruno waxa ay haatan timid beertayda”.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *