Taageerayaasha wadaad caan ah oo xoog ku galay xarun madaxtooyo


Spread the love
Taageerayaasha Muqtada

Hubka culus ayaa laga maqlayaa hareeraha baarlamaanka Ciraaq ee ku yaalla magaalada Baqdaad iyadoo uu socdo dagaal gacmaha la isula tagay oo u dhaxeeya ciidmmada ammaanka ee Ciraaq iyo taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Shiicada ah ee Muqtada Al Sadr saaacado ka dib markii wadaadku sheegay in uu siyaasadda iska casilay.

Wadaadka shiicada ee kaniga adag Muqtada al-Sadr oo ah hoggaamiye siyaasadeed oo caan ka ah dalka Ciraaq ayaa maalinti shalay ahayd bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey inuu gabi ahaanba siyaasadda ka fadhiistay.

Muqtada al-Sadr ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dalka Ciraaq, wuxuuna muddo dheer udub dhexaad u ahaa mashaakilaad ka dhashay dowlad dhisidda dalkaasi.

Rabshado ka dhashay iska horimaad dhexmaray taageerayaasha wadaadka iyo ciidamada ammaanka Ciraaq waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof halka boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Taageerayaasha wadaadka oo ka carooday inuu siyaasadda ka fariisto ayaa gantaalo, hoobiyeyaal iyo qoryaha darandoorriga u dhaca u adeegsaday iska horimaadyada dhacay.

Xigashada Sawirka, Reuters

Isbahaysigiisa siyaasadeed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kuraastii baarlamaanka ee doorashadii sannadkii hore, balse Isniintii ayuu Muqtaada ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskiisa siyaasadda, taasoo keentay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan xaruunta madaxtooyada.

Taageerayaasha Muqtada al-Sadr waa markii labaad oo ay xoog ku galaan baarlamaanka dalkaasi.

Mr Sadr ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Waxaan go’aansaday inaanan faragelin arrimaha siyaasadda, laakiin hadda waxaan ku dhawaaqayaa hawlgabkaygii ugu dambeeyay.”

Qaar ka mid ah goobaha diinta ee ku xiran dhaqdhaqaaqiisaa ay ahaan doona kuwo sii furan.

Wakaaladda wararka ee dalka Ciraaq ee INA waxay baahisay Muqtada inuu sida oo kale shaaciyey cunta joojin soconeyso ilaa laga joojinayo rabshadaha hubka loo adeegsado.

Muqtaada oo 48 jir ah aya siyaasadda iyo arrimaha bulshada dalka Ciraaq si weyn uga muuqday 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Maleeshiyaadka wadaadka daacadda u ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada uu hoggaamiyo ee Mahdi ayaa ah kuwo awood badan oo si weyn ula dagaallamay Mareykanka iyo Ciidammada dowladda Ciraaq oo isgarabsanayey dagaalkii xukunka looga tuurayey hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Saddaam Xuseen.

Markii dambana wuxuu aasaasay guutada nabadda oo ka kooban maleeshiyaad isaga daacad u ah oo haatan ka mid noqday qaab dhismeedka ciidamada dalka Ciraaq.

Ciidamada Mahdi uu wadaadka hoggaamiyo ayaa lagu tuhmaa iney gacan saar la leeyihiin dowladda Iran.

Inkasta oo wadaadka uu iska fogeeyey inuu Iran xiriir la leeyahay isaga oo u diga rogtay halgamaa qaran oo hadafkiisu yahay inuu dalka Ciraaq uu ka xoreeyo fareglinta ay Mareykanka iyo Iran ku hayaan arrimaha gudaha Ciraaq.

Xilliga uu wadaadku soo caan baxay

Wax yar uun ka dib markii ciidamadii Maryakanka iyo xulufadoodu ay qabsadeen dalka Ciraaq ayaa Muqtadaa Al-Sadr codkiisii dheeraa ku caan noqday oo ku baaqay in cadowga dalka laga saaro.

Hadalkiisii waxa ku xigay fal oo wuxu abaabulay taageereyaashiisa waxaanu sameeyey ciidanka Mahdi la yidhaa oo halistii ugu weynayd ku noqday Maraykankii Ciraaq joogay.

Laga soo billaabo 2004 ciidanka Mahdi waxay had iyo goor la dagaalami jireen xulufadii Maraykanku hogaaminayay waxaanay lagu eedeeyey marar badan in ay miinooyin meel walba u dhigeen oo weerarro ku hayeen ciidankaas.

Sidoo kale taageerayaashiisu waxay si aad ah ugu jireen dagaalkii Shiicada iyo Sunnigu isku gumaadeen.

Sannadkii 2008 ayaa ciidamadiisu waxay dagaal qadhaadh kula safteen ciidamada Ciraaq oo raysal wasaarihii waagaas ee Nuuri Al-Maaliki amray in ay qabsadaan magaalada Basra.

Markii Maraykanku galay Ciraaq aad looma aqoon laakiin mudo gaaban ka dib waxa uu markiiba noqday nin la wada garanayo.

Isla markii Saddaam Xuseen awoodiisii diciiftay ayuu hawl geliyey shabakadiihii dadkii daacadda u ahaa aabihii oo sheekh la jecelyahay ahaa Ayatullaahi Al-Cudmaa Maxamed Saadiq Al-Sadr waxaanu ka dhex abaabulay xaafadihii Shiicada la gacan bidixeeyey ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee koonfurta Ciraaq.

Aabihii iyo soddogii Aayatullaahi Al-Cudmaa Maxamed Baaqir Al-Sadr labadooduba waxay ahaayeen shakhsiyaad diineed oo aad loo ixtiraamo waxaanay xaafadaha Shiicada saboolka ahi degaan ay ka bilaabeen shabakado adeega bulshada u fidiya, hase yeeshee Saddaam Xuseen ayey arintaasi aad uga cadhaysiisay.


Like it? Share with your friends!