0

Ururka Taaliban

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Ururka Taaliban

Taliyihii hore ee caanka ahaa ee bilayska diinta ee Taliban ayaa sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Mullah Nooruddin Turabi, oo hadda mas’uul ka ah xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay “lagama maarmaan u tahay amniga”.

Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, dhaqaankaas oo ahaa mid jiray xilligii maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii.

Laakiin wuxuu meesha ka saaray carada ay dadweynaha ka qabeen dilalkii hore ay kooxdu u fulisay, waxaa uuna yiri “Qofna noo sheegi maayo waxa sharcigeennu noqonayo.”

Tan iyo markii ay awoodda Afgaanistaan la wareegeen 15-kii Ogosto, Daalibaan waxay ballan qaadayeen xukun iyo aragtiyo ka fudud kuwii ay hore u haysteen.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo ay hore u jireen dhowr warbixin oo ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo laga fuliyay dalka oo dhan.

Khamiistii, hay’adda Human Rights Watch waxay ka digtay in ururka Daalibaan ee gobolka Herat “ay baadi goobayan haween xilal sare dowladda kasoo qabtay iyo kuwo bulshada saameyn ku leh, iyagoo u diiday haweenka xorriyadda dhaqdhaqaaqa sida inay bannaanka uga baxaan guryahooda islamarkaasina ku soo rogay xeerar dhanka labiska ah oo khasab ah”.

Bishii Ogosto, Amnesty International waxay sheegtay in dagaalyahannada Daalibaan ay ka dambeeyeen xasuuqii sagaal xubnood oo ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Hazara.

Xoghayaha guud ee Amnesty Agnès Callamard ayaa xilligaasi sheegtay in “arxan-darrada” dilalka ay tahay ” mid xusuusinaysa caalamka taariikhdii hore ee Daalibaan, kuwaas oo tilmaan argagax leh ka bixinaya waxa xukunka Daaliban uu u ekaan karo”.

Maalmo ka hor inta aysan Daalibaan la wareegin Kabul, garsoore ka tirsan Daalibaan ee gobolka Balkh, kaas oo lagu magacaabo Xaaji Badrudiin, ayaa u sheegay weriyaha BBC -da Secunder Kermani in uu taageersan yahay sharciga diinta Islaamka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo ay hore u jiree dhowr warbixin oo ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo laga fuliyay dalka oo dhan.

“Shareecadeenna way caddahay, kuwa isu galmooda iyag oo aan guursan, gabar ama wiil, ciqaabtu waa 100 karbaash oo goob fagaare ah,” ayuu yiri Badrudiin. “Laakiin qofka guursaday oo macsiyaystay, waa in dhagax lagu dilo … Kuwa wax xado ama tuugada: haddii la caddeeyo, markaas iyaguna gacanta waa in laga gooyaa.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay hadda isu dheelli tiraysaa rabitaankan ah inay yihiin koox muxaafid ah iyagoo u baahan inay xiriir la sameeyaan beesha caalamka – tan iyo markii ay xukunka qabsadeen iyo rabtaankooda ah inay fuliyeen xukun si adag ugu saleysan shareecada. Daalibaan waxay isku dayday inay soo bandhigto sawir aad u xaddidan.

Turaabi, oo ku caan baxay in uu rido xukunno ciqaab adag oo loo geysto dadka lagu qabto iyagoo dhagaysanaya muusig ama ragga gadhka xiiro, sanadihii sagaashameeyadii, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in ay sii socon doonto ciqaabt adag, balse haddana waxaa uu sheegay in kooxdu ay hadda oggolaan doonto telefishannada, taleefannada gacanta, sawirrada iyo fiidiyowyada.

Turabi – oo ku jira liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay sababo la xiriira falalkiii hore uu u geystay ayaa sheegay in golaha wasiirrada Taalibaan ay hadda ka doodayaan shareecada, ayna “dejin doonaan siyaasad”.

Sannadihii 1990 -meeyadii, xukunnada dilka ah ayaa lagu fulin jiray garoonka ciyaaraha ee Kabul, ama barxadda weyn ee masaajidka Ciidda lagu tukado ee Gah.

Waqtigaas Turabi wuxuu ahaa wasiirka caddaaladda iyo madaxa Wasaaradda Faafinta Wanaagga iyo Ka hortagga Munkarka waxaa uuna sidoo kale ahaa ku xigeenka – bilayska diinta ee Taliban.

“Qof walba wuxuuu nagu dhaleeceeyay ciqaabta garoonka dhexdiisa dembilayaasha loogu geysan jiray, laakiin waligeen mana faragelin sharcigooda iyo ciqaabtooda,” ayuu yiri Turaabi

Toddobaadkan horaantiisii, Daaliban ayaa sidoo kale codsatay inay ka hadlaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu qabanayo Magaalada New York.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in kasta oo ay muhiim tahay in lala xiriiro Daalibaan, haddana “shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma ahan goob ku habboon arrintaas”.

Codsiga ka qaybgalka doodda heerka sare ah waxaa tixgelinaya guddiga aqoonsiga, oo sagaal xubnood ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay.

Laakiin waxay u badan tahay inaysan kulmin kahor dhammaadka kalfadhiga Golaha Guud ee Isniinta soo socota. Ilaa waqtigaas, sida uu dhigayo sharciga Qaramada Midoobay,.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *