Tahriibka Afrika: ” 90% asxaabteyda waxay doonayaan in ay tahriibaan”


Spread the love

NIGERIA

Xigashada Sawirka, AYOADE ONI

Daraasad cusub oo lagu sameeyay in ka badan 4,500 oo ka mid ah dhallinyaro Afrikaan ah oo da’doodu ay u dhaxayso 18-24 sano jir ayaa lagu ogaaday in 52% dhallinyaradaasi ay u badan tahay in ay ka fikirayaan in ay tahriibaan.

Dhallintan ayaa arrintaasi u sababaynaya dhaqaale xumada iyo fursadaha waxbarasho ee ay dibadda ka helayaan.

BBC-da ayaa la hadashay shan dhallinyaro ah oo ku kala nool dalalka Nigeria iyo Koonfur Afrika, kuwaa oo sheegay in aysan ammaan ku dareemayn gudaha dalalkooga oo aysan heleyn fursado shaqo, balse kuwa dalka Ghana ayaa u fikiraya si ka duwan dhallinta labadaasi dal.

“Nabadgelyo xumada ka jirta Nigeria waa mid aad looga xumaado,” ayuu yiri Ayoade Oni oo ah 18 jir reer Lagos ah. Arrintani ayaa ka mid ah midda ugu weyn ee uu u doonayo in uu uga tago dalkiisa Nigeria.

Sanadkii la soo dhaafay wuxuu ku sigtay in la qafaasho ” maalin cad”. Waxa uu markaasi ka yimid dukaan lagu dayactiro taleefoonnada, waxaana soo weerartay koox burcad ah oo ka dalbatay in uu ku wareejiyo alaabtiisa.

Wuxuu isku dayay in uu dalabkaasi ka dhaga adkeysto isagoo tallaabada boobay si uu isugu dayo in uu ka baxsado. Waxa markiiba looga yeeray dukaan kale oo u dhawaa oo uu mooday in uu ku badbaadi karo maadaama dad badan ay joogeen halkaasi.

Balse dukaanku wuxuuba ahaa dabin lagu soo xero gelinayo isaga.

Nasiib wanaag waxaa markiiba soo istaagay darawal bas oo u sheegay in dadkani yihiin kuwa dadka afduubto, wuxuuna kula taliyay in uu baska soo galo. “Intaa ayaan ku badbaaday maalintaasi,” ayuu yiri.

Dalka Nigeria waxaa haatan ka soconaya weerarro afduub ah oo madaxfurasho lagu raadinayo, waxaana kooxaha dambiilayaasha ahi ee dadka afduubanaya ay helayeen malaayiin doolar sanadadii la soo dhaafay, sida ay sheegtay xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Lagos.

” Habeenkii ma bixi kari, waalidiinteyda xitaa iima ay ogola in aan baxo,” ayuu yiri Oni. Waalidiintiisa ayaa ku soo rogay amar ah in uu guriga joogo 6:30 maqribnimo habeen kasta.

“Heerka shaqo la’aanta oo aad u sareysa, caafimaadka oo liidata, heerka nolosha oo aad u hooseysa iyo fursadaha shaqo oo aad u yar amaba aan jirin”, ayaa ka mid ah sababaha uu Oni u daliishaday in uu dalkiisa kaga baxo.

Wax rajo ah kama uu qabo in uu shaqo heli doono marka uu dhammeeyo waxbarashadiisa culuunta kumbuyuutarka. Inta badan ardayda ka soo qalin jebiya jaamacadaha ma helaan fursado shaqo, haddii ay jiraanna waxa ay ku khasban yihiin in ay ku tartamaan “fursado shaqo oo aad u yar, iyadoo dadka intooda badan lagu shaqaaleysiiyo xiriir ay la leeyihiin madaxda ama musuqmaasuq”, ayuu yiri.

Qoraalka Muuqaalka,

Wiil dhallinyara ah oo tix gabay ka tiriyay rafaadka tahriibka

Haddii uu Nigeria ka tago, oo uu aado dalka Canada oo uu haatan qalbiga ku hayo, ma doonayo in uu dib ugu soo laabto dalkiisa. Inta badan saaxiibbadiis oo dhan ayaa fikraddaasi la qaba: “waa 90% haddii aysan ahayn dhammaantoodba”, ayuu yiri.

Xog uruurin ay xarunta Ichikowitz Family Foundation ee dalka Koonfur Afrika ka sameysay 15 waddan ayaa lagu sheegay in dhallintu ay u wada fikirayaan Oni oo kale oo ay rajo beel yihiin.

Dhallinyarada Nigeria ayaa ugu badan kuwa fikradda tahriibka ugu badan qaba marka loo eego waddamada kale ee qaaradda Afrika, iyadoo 95% ay sheegayaan in arrimuhu ay si xun u socdaan. Dhammaan dadkii la waraystay, 28% oo keliya ayaa ku qanacsan qaabka loo maamulayo waddankooga iyo halka uu hiigsanayo mustaqbalka.

“Dunidu waxa ay u baahan tahay in ay hurdada ka kacdo oo ay maalgashi ku samayso qaaradda Afrika, si dhallinyarada Afrikaanka ahi aysan u door-bidin in ay aadaan waddamada dibadda si ay u helaan nolol wanaagsan, arrintaa oo lid ku ah mustaqbalka waddamadooda,” sida uu sheegay Ivor Ichikowitz oo ah ninkii daraasaddaasi sameeyay.

“Waa ay ka weyn tahay duufsi maskaxeed,” ayuu yiri Ichikowitz oo la hadlay barnaamijka BBC-da ee Newsday. “Dhallinta da’doodu u dhaxayso 18-ka ilaa 24-ka ee qaaradda Afrika, waxa ay leeyihiin: ‘Waan heli doonaa nolol wanaagsan, xitaa haddii taa ay ka dhigan tahay in aan meelo kale u tahriibno.”

Waxa uu sheegay in xaqiiqada ah in dhallinyaro badan oo Afrikaan ah ay doonayaan in ay dibadda aadaan ay keeni karto dhibaato tahriib, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aad looga walwalo.

Ichikowitz ayaa sheegaya in daraasaddii tan ka horreysay ee laga sameeyay dhallinta qaaradda Afrika ka hor inta uusan billaaban cudurka Covid-19 lagu ogaaday in intooda badan ay doorbidayaan inay ka haajriaan dalalkooda.

Dhalinyaro badan oo la wareystay ayaa doonayay in ay u guuraan waddamada Koonfur Afrika, Yurub ama Maraykanka. Balse in kasta oo Koonfur Afrika dhallinta kale u arkayeen meel aad u wanaasgan, haddana dhallinta reer Koonfur Afrika waxay door-bidayeen waddamada Yurub ama Mareykanka.

Dhallinyarada reer Ghana ayaa kaalinta labaad ka galay dhallinta qaaradda ee ku qanacsan waddamadooda, waxaana kaalinta koowaad ku jira kuwa dalka Rwanda oo 56% ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooga ku sii noolaadaan.

Xigashada Sawirka, JULIUS KWAME ANTHONY

“Waan ku noolaan karaa Ghana sababtoo ah, inkastoo aysan jirin hay’ado dowladdeed oo xooggan, daciifnimana ay ka muuqato hannaankeena dowladnimo, haddana arrimahaasi oo dhan waxay sidoo kale noqon karaan kuwo aan uga faa’iideysanno caqabadahaasi,” ayuu yiri Julius Kwame Anthony oo 24 jir ah ahaan jirayna madaxii hore ee ururka qaranka ee ardayda Ghana.

“In aad dibadda aadid waxaa laga yaabaa in ay u muuqato arrin wanaagsan balse ma jiraan wax weyn oo halkaas kaaga horreeyo” ayuu sii raaciyay.

Duufsigaasi maskaxeed dumarka xitaa kama fiyooba

Dhallinta qaar waxaa ku khasbaya in ay dalalkooga ka cararaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan.

Mid ka mid ah haweenka Koonfur Afrikaan ah oo codsatay in magaceeda la qariyo ayaa sheegtay in fal-dambiyeedyada aadka u sare ee dalka ka jira ay ku kalliftay in ay damacdo tahriib, iyadoo ay u sii dheer tahay dhibaatadii ay ka soo martay in ay shaqo hesho tan iyo markii ay jaamacadda ka qalin jebisay sanadkii hore.

Waxay sheegtay in la kufsaday sanadkii 2019, iyadoo ka soo lugaysay jaamacadda una socotay hoygii ay degnayd oo ilaa haatan aanay ammaan dareemayn.

Xigashada Sawirka, MAPULA MAAKE

Bishii Maarso ee sanadkan, heerka shaqo la’aanta ee Koonfur Afrika waxay gaartay heerkii ugu sareysa oo ah 35.3%.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments