Taiwan oo caro darteed dhagxaan u adeegsatay diyaaraha drons-ka ee Shiinaha


Spread the love
Diyaaradaha Shiinaha ee dul heehaabaya aagga badda Taiwan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taiwan ayaa sheegtay in ay bilaabayso in ay daabusho hab-difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jasiiradeeheeda dhaca xeebaha,kadib markii la soo bandhigay muuqaalo muujinaya askarta Taiwan oo dhagxaan ku tuuraya diyaarad uu Shiinaha leeyahay oo dul heehaabaysay meel u dhaw mid ka mid ah xarumaha ay ilaalada ka tahay Taiwan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in nidaamyada marka hore la dhigi doono jasiiradaha yaryar.

Taiwan ayaa ka cabatay duullaanka soo noqnoqday ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ku soo qaadeen meel u dhow jasiiradaheeda, taas oo qayb ka ah  dhoolatuska iyo cagajuleynta Shiinaha ka dib booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ee Taiwan taas oo shiinaha ka careysiisay waxayna tallaabadaas sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Maamulka Taiwan ayaa bilowgii bishan Ogosto ku eedeeyay Shiinaha inuu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah jasiiradda, iyadoo dhowaanahan uu dhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maraykanku wuxuu taageeray Taiwan, isagoo ku eedeeyay dowladda Beijing inay ku dhaqaaqday falal kicin iyo taxaddar-la’aan ah.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashada Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan.

Warbaahinta Shiinaha oo soo xiganaysa ilo rasmi ah, ayaa ku warrantay in ciidamada dalkaas ay hadda si joogto ah dhoolatus milateri uga sameynayaan dhinaca marin-biyoodka “Taiwan”, taasoo waagii hore loo aqbalay xudduud-badeed aan rasmi ahayn oo u dhexeysa Taiwan iyo dhulweynaha Shiinaha. Si rasmi ah, meelna uguma cadda arrintaas, sidaas darteed Shiinuhu wuu ka soo horjeedaa xudduuddaas.

Telefishinka dowladda Shiinaha ayaa isna bilowgii bishaan Ogosto sheegay in dhoolatuska si joogto ah loogu qaban doono aaggaas. Wuxuu marin-biyoodka ku tilmaamay khad khayaali ah oo la allifay qarnigii hore, iyada oo la tixgelinayo baahida dagaalka ee ciidamada Maraykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hase yeeshee Taiwan ayaa iyadana markaasi go’aansatay inay ka jawaabto dhoollaturka Shiinaha, iyadoo diyaaradaheeda iyo maraakiibteeda u dirtay in ay ilaaliyaan khadka dhexe ee marin-biyoodka.

 Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.

Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing  oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.

Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah – madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba.

Taariikhda Shiinaha iyo Taiwan

Dadkii ugu horreeyay ee la yaqaannay ee Taiwan waxay ahaayeen qabiillo Austronesia ah, kuwaas oo loo malaynayo inay ka yimaadeen koonfurta Shiinaha ee casriga ah.

Jasiiraddu waxay u muuqataa inay markii ugu horreysay ka soo muuqatay diiwaannada Shiinaha, markii boqor qarniyo hore talinayay uu u diray ciidan sahamiya aagga – waa arrin ay Beijing u isticmaasho taageeridda sheegashadeeda dhuleed.

Kaddib muddo kooban oo ah gumeysigii Nederland (1624-1661), Taiwan waxaa maamulayay boqortooyadii Qing ee Shiinaha laga soo bilaabo 1683 ilaa 1895.

Waxaa jiray dagaal sokeeye oo ka qarxay Shiinaha, kaas oo ciidamo uu hoggaaminayay Chiang Kai-shek ay ku jabiyeen ciidankii Shuuciga ahaa ee Mao Zedong.

Dadkii ka soo haray dowladdii Kuomintang (KMT) ee Chiang iyo taageerayaashooda oo dhamaa ilaa 1.5 milyan oo qof waxay u qaxeen Taiwan 1949-kii.

Kooxdan, oo loo yaqaan Dhulweynaha Shiinaha, ayaa sanado badan gacanta ku haysay siyaasadda Taiwan, inkastoo ay 14% keliya ka ahaayeen dadweynaha. Chiang wuxuu dowlad dibadjoog ah ka dhisay Taiwan taas oo uu hoggaaminayay 25-ka sano.

Wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Chiang Ching-kuo ayaa oggolaaday dimoqraadiyad badan kaddib markii uu xukunka qabtay.

Waxa uu iska caabbin kala kulmay dadka deegaanka oo ka carooday xukunkii kali-taliska ahaa, waxana uu cadaadis kala kulmayay dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadeed oo sii kordhaya.

Madaxweyne Lee Teng-hui, oo loo yaqaan “Aabaha Dimuqraadiyada” Taiwan, ayaa u horseeday isbeddelo dastuuri ah, wuxuuna aakhirkii sameeyay sanadkii 2000 dariiqii loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ahayn KMT, Chen Shui-bian, 2000.


Like it? Share with your friends!