Taliyaha Asluubta oo ka mid noqday Xildhibaanno lagu doortay Baydhabo


Spread the love

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka bilaabatay doorashada 7 kursi oo Golaha Shacabka ah, kuwaa oo deegaan dooraahadooda tahay Magaaladaas.

Waxaa socoto doorashada kuraas 7 ah oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah kuwaas oo ku cusub kursiga Xildhibaanimo ee ku tartamayaan, iyadoo meesha laga saaray xubnihii hore ugu fadhiyay kuraastaas.

Xildhibaanad Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleystay kursiga Hop- 047, kadib doorashada kursigaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo heshay 79 cod, halka musharixii la tartamayay oo ahayd  Fadumo Maxamed Isaaq ay heshay 18 cod.

Kursiga Hop#172, waxaa ku guuleystay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, inkastoo Guddiga aysan shaacin cododka uu helay, balse kursiga doorashadaan ayaa mid tartankiisa uu xirnaa, waxaana hore ugu fadhiyay xildhibaan Cali Caddow Maxamed.

Sidoo kale, Kursiga Hop#164, waxaa ku guuleystay Maxamed Abuukar Cabdi, iyadoo kursigaan uu hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax), halka kursiga Hop#197 uu ku guuleystay doorashadiisa Cumar Cali Balash kaas oo uu hore ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geeseey.

Guddiga doorashada DG Koofur galbeed ayaa qabtay haatan doorashada afartaan kursi, waxaana wali socda doorashada kuraas kale oo Golaha Shacabka kuwaas oo ah kuwii ugu dambeeyay ee lagu doortay guud ahaan Maamulkaas.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments