“Laga bilaabo maanta kadib ma dooneyno in askari xoogga dalka ka tirsan uu xaafadaha iyo suuqyada tuute iyo qori ku dhex wato. Marka ay soo galaan Ciidanka waa in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay Hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa.
Waxuu intaasi ku daray taliye Odawaa Yuusuf in awaamiirtaan keentay si loo yareeyo amni darada kuso korortay magaalada Muqdisho, islamarkaana la ilaaliyo sharafka dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya si loo dhiso kalsnoonida shacabka Soomaaliyeed.
Awaamiirtaan ayuu Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ka hor sheegay Saraakiisha ciidanka iyo kuwa Maxkamadda ciidanka qalabka sida, isagoona sheegay in askarigii lagu arko isaga oo magaalada ku dhex wata dareeska ciidanka in uu la mid yahay burcada wax dhacda.
Hadalkaan Maanta kasoo yeeray Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe ay shacabka magaalada Muqdisho si weyn uga cabanayeen burcad hubeysan oo dhac u geysata.