Talo Ku Socota Maamulka Dowladda Hoose ee C. Hargeysa


Spread the love
“Waxaan maanta u Kuurgalay Waddada weyn ee Jidka Waddanaha Caasimadda Hargeysa”

Caasimadda Hargeysa dhibaatooyinka Haysta ee Xaga Bilicda iyo Fayo
dhawrka Caafimaadka Caasimadda ku lidiga ah ama Xumeeya Meelaha Suuqyada iyo
Farasmagaalaha isla markaana Qashin iyo Hadhaaga noocyada Cuntooyinka lagu
daadiyaa Waddooyinka muhiimka ee Hargeysa waxa qayb wayn ku leh dadka
Itoobiyaanka ee Suuqyadda Hargeysa ka Dawarsada kuwaasi oo Horumarkii iyo
Bilicdii Caasimadda ay Dowladda Hoose ka waday dhaawac ku ah.

Waxaan maanta u Kuurgalay Waddada weyn ee Jidka Waddanaha Caasimadda
Hargeysa gaar ahaan Waddadda dhex marta Xarunta Shirkadda  Telesom
iyo  Suuqa Weyn ee Waaheen (Ex. Suuqii hore
ee Shiraaqle)  ee Hargeysa ee
Madaxtooyaddana hormarta waxaanan halka kula Kulmay Dad Haween Caruur iyo
Waayeelba iskugu jira oo Itoobiyaan ah balse magaaladda Ka Dawarsada oo qaarkood Halkaasi Sida Caadiga ah Labada Haad ee Jidka Laamida ee Dhirta ay
Dowladihii hore ee Hoose ku Beereen Jidka Labada haad ah dhexdooda oo ay
Fadhiistaan Dadkani maalin kastana halkaasi Cuntooyinka ay Hudheeladda ka Soo
Dawarsadaan la yimaada iyaga oo markay Cuntadaasi Cunaan Hambada iyo Hadhaaga
ay Lafaha’ Bacaha iyo Caagadaha ay   ka
mid yihiin Taarka Dhirta lagu dhex Beeray ee Labada Haad ee Laamida ku dhex
yaala ay ku dhex Tuuraan taasi oo Qashinkaasi Bilic xumo ku ah Caasimadda
Hargeysa iyo horumarka ka socda ay ka dhalatay.

Waxaan ugu dambayn maamulka Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ee ay
hogaamiyaan Mayor Abdikarim Ahmed Mooge ‘ Mayor ku Xigeen  Khadar-Nur Ahmed Omer iyo Xoghaye Siciid
Jaamac u soo jeedinlahaa inay Dadkani Itoobiyaanka ah ee Oromada u badan ee
Caasimadda Hargeysa ka Dawarsada isla markaana Hadhaaga waxyaabaha ay
Cuntooyinka ka isticimaalaan Waddooyinka dhexdeeda iyo Taarka waddada ku
dhexyaala ee Dhirtu ay ku beeran tahay Qashinkaasi ku dhextuuraya waa inay
Dowladda hoose dadkaasi Talaabo ka qaada ama ugu yaraan markay Waddooyinka
Dhexdooda Wixii ay cunayaan ku cunaan lagu la xisaabtamo in aanay Qashinka iyo
Hadhaaga ay wataan kaga tegin kuna dhex Tuurin goobahan farasmagaalaha
Caasimadda Hargeysa  ah ee ay Bilic
xumaanta iyo Fayo dhawr xumadda ku hayaan dadkan Laajiga ee Waddanka Itoobiya
Asal ahaan u dhashay balse ka Dawarsada magaalooyinka Somaliland ee ay C.
Hargeysa ka mid tahay.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments