0

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay tartanka loogu jiro abaalmarinta Ballon d’Or ee 2021 markii la waydiiyay in uu magacaabo xiddiga uu ugu codayn doono abaalmarinta.

Kooxda chelsea ayaa ka mid ah kooxaha xiddigaha ugu badan ku leh tartanka abaalmarinta u tartami doona markii la shaaciyay 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta, inkasta oo ay xiddigo badan oo kooxdiisa ah ku jiraan tartanka abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu qaalsan hadana Tuchel ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay.

Tababaraha Chelsea ayaa dareensan in kubbadda cagta ay tahay ciyaar kooxeed wuxuuna qirtay inuusan taageere weyn u ahayn abaalmarinnada shaqsiga ah. Tuchel oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuusan weli ka warqabin shanta ciyaaryahan ee Chelsea u sharraxan abaalmarinta Ballon d’Or sannadkan.

“Miyaad i rumaysanaysaa haddii aan kuu sheego xitaa ma garanayo qofka ku jira liiska? Anigu kama helo abaalmarinada shaqsiga ah”.

“Waxaan rumeysanahay inay tani tahay dadaal kooxeed iyo wixii aan sameynay xilli ciyaareedkii hore, kaasoo [caawiyay] ciyaartoydan liiska ku jira, waxay ahaayeen dadaal kooxeed. Waxaan ka badnayn kaliya hal ciyaaryahan, waxaan ahayn koox, koox saaxiibo ah”.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *