0

Janaraal Cabdi Fattax Al-Burhan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Janaraal Cabdi Fattax Al-Burhan

Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen.

Golaha sare oo ay markii hore qeyb ka mid ahaayeen xubno rayid ah ayaa dalkaas ka talinayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir, sannadkii 2019-kii.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) uu sii haynayo xilka Madaxweyne ku xigeenka Golahaas.

Golahan cusub ayaa ka kooban 13 xubnood, sagaal xubnood oo ka tirsanaa golihii hore oo ay ku jiraan 5 sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo afar xubnood oo cusub.

Haweenka waxay ku guuleysteen laba ka mid ah shanta kursi ee rayidka ah ee golahan cusub.

Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, waxaa ka dhacay dibadbaxyo, saacado kaddib markii lagu dhawaaqay dhismaha golahan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti)

Dibad-baxayaal careysan ayaa gubay taayaro, waxayna xireen waddooyinka muhiimka ah ee saddexda ee caasimadda Khartoum, Omdurman iyo Waqooyiga Khartoum.

Ka dib markii lagu dhawaaqay dhismaha golaha khamiistii, afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan ay yihiin “kuwo laga walaaco.”

Waxa uu intaa ku daray in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu doonayo “inuu arko dib u soo laabashada xukunkii rayidka ahaa sida ugu dhakhsaha badan.”

25-kii October, ayay ahayd markii Al-Burhaan markii uu shaaciyay in ay kala direen golahii sare ee dalkasi islamarkana xabsi guri laga dhigay rai’sul wasaarihii rayidka ahaa.

Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa isa soo tarayay baqyada caalamiga ah ee ah in xukunka dib loogu celiyo dwolad rayid islamarkana la fasaxo xubnaha siyaasiyiinta ee la xiray.

Waa kumaa Abdel Fattah Abdelrahman Burhan?

Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray.

Wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay. Wuxuuna hoggaaminayay saraakiishii xilka ka tuuray Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan.

Ibnu Cawf, ayaa bishii April ee 2019-kii shaaciyay in uu Cabdil fataax Al-Burhan, u xushay in xilka uu ku wareejiyo, waxayna ahayd tallaabo ay dadka oo dhan soo dhoweeyeen. Wuxuu markaas noqday Taliyaha Militariga.

Sida ay qortay wakaladda wararka ee Anadolu Agency, Sareeya Gaas Cabdi Fataax Burhan wuxuu dhashay sannadka 1960-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Kundato oo ku taallo wabiga Niil.

Burhaan oo ah sargaal militari isla-markaana in badan siyaasadda ku soo jiray wuxuu hadda si ku meel gaar ah u hayaa guddoomiyaha golaha militariga Suudaan oo talada kala wareegay madaxweynihi hore Cumar Xasan al-Bashiir.

Ninkan oo dhashay sannadkii 1960, wuxuu ka mid ahaa ciidamada ilaalada xuddudaha Suudaan kaddibna waxaa loo magacaabay madaxa arrimaha militariga ee Safaaradda Suudaan ay ku leedahay dalka Shiinaha.

Intaa ka gadal wuxuu Burhaan noqday taliyaha ciidamada ilaalada xudduudaha Suudaan, wuxuuna markiba u sii dallacy taliyaha ciidamada dhulka Suudaan.

Xigashada Sawirka, AFP/HO/SUDAN TV

Qoraalka sawirka,

Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan

Wuxuuna tababara militari uu ka soo noqday dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla bariga dalka Suudaan, wuxuuna taliya u soo noqday ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jiray jabhadda SPLA ee ka dagaallameysay Suudaanta Koonfureed 2011-kii xorriyadda intii aysan qaadan ka hor.

Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa la kulmay mudaharaadyo xooggan oo xukunkiisa looga soo horjeeda, wuxuuna al-Bashiir uu isku shaandheyn uu ku sameeyey ciidamadiisa.

Bisha Fabraayo 26-keedi ayaa Burhaan markale loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee dalka Suudaan.

Waxaana xusid mudan, Burhaan inuu ka mid ahaa seddexda sargaal ee iclaamisay in al-Bashiir xilka laga tuuray.

Qoraalka sawirka,

Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan

Burhaan xilli uu hoggaaminayey ciidamada Suudaan ee ku sugan Yemen wuxuu dhawr jeer booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Dad aad ugu dhaw Burhaan waxay sheegayaan inuu wax xiriir ah uu la lahayn ururrada diimaha iyo kuwa siyaasadeed midna. Waxaa kale oo ay sheegeen inuu yahay sargaalka keli ah ee ay maxkamadda dambiyda dagaalka calaamiga ay wax dacwad ah u haysanin.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cawf, oo khudabad soo jeediyey 11-ka April xilliga ay ciidamda talda Suudaan la wareegeen wuxuu sheegay iney ciidamada talada dalka Suudan la wareegay ay u billaabatay 2 sano oo dowlad ku meel gaar ah oo ay xilka soo hayn doonaan.

Hase yeeshee, Ibnu Cawf ayaa saacado kaddib xilka iska casilay isaga oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Burhaan kaddibna xilka la wareegay loona dhaariyey.

Burhaan waxaa uu beddelay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo ahaa wasiirka gaashaandhigga dalka Suudaan.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *