0

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijayay in uu Goolhaye Edouard Mendy dhaawac ku seegay kulanka ay chelsea la ciyaarayso Tottenham premier League.

Goolhayaha ayaa ku dhaawacmay kulankii champions League ee ay chelsea la ciyaartay kooxda Zenit St Peterburg Salaasadii kadib markii ay isku dheceen xiddig kooxda Zenit St Peterburg ah.

Kepa ayaa ku bilowday shaxda Chelsea iyada oo uu tababare Tuchel iska fadhiisiyay xiddiga si uuna ugu khamaarin Goolhayaha qaab ciyaareedka fiican ku jira xilli ciyaareedkan.

“Mendy waxa soo gaadhay dhaawac yar, waxa aan isku daynay wax walba maalmihii la soo dhaafay si aan u diyaarino laakiin ma dareemin taam ahaansho buuxda”ayuu yidhi.

Mendy ayaa qaab ciyaareed waali ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo sabab u ahaa Guulaha ay ilaa haatan chelsea ka gaadhay tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *