0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante ayaa seegay kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Norwich City kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Xiddiga N’Golo Kante ayaa muhiim ka ah kooxda chelsea sanadihii ugu dambeeyay laakiin xiddiga reer france ayaa dhaawacyo ku dhibaatooday labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Wargayska The Athletic ayaa haatan shaaca ka qaaday in dhaawaca muruqa ah uu sabab u yahay in uu xiddiga Kante seego kulanka Norwich City ee horyaalka premier League.

Isla warayska ayaa sheegaya in uuna daawaca Kante ahayn mid halis ah laakiin ay tahay ilaalin ay kooxdu ilaalinayso xiddiga in uu dhaawac weyn soo gaadho hadii uu ciyaaro.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *