Waa Maxay Xunkunka Sharci ee Caymisku


Spread the love

W/Q: Khaalid Ibraahim Cali

Waxaa immika lagu guda
jiraa doodaha baarlamaanka ee caymiska oo ay kooxo ganacsadeyaal ahi dabada ka
riixayaan in dadka khasab lagaga dhigo inay qaataan oo iibsadaan caymis. Sida
ka muuqata xeerkan la rabo inuu sharciga dalka ka mid noqdo, waxa caymisku
noqon doonaa ganacsi ku fadhiya malaayiin dollar sannadkii, oo dano ganacsi oo
weyn ugu fadhiya dadka ka shaqaysta ganacsigan. Waxaynu qoraalkan ku eegi
doonaa macnaha caymiska iyo qaababka kala duwan ee culimada muslimiinta ee
adduunku uga hadleen caymiska iyo xeerarka iyo axkaamta la socda.

 
Waxaynu haddaba ku
bilaabaynaa su’aal ku jirta buugga ”islam: Questions and Answers –
Jurisprudence and Islamic Rulings, Part 8 ” Sh. M S. Abdulrahman; oo ku
salaysan buugga ”Khalaasah Fi Xukm Al-Ta’miin” ee uu qoray Shaykh Dr. Sulaymaan
Ibn Ibraahiim Al-Thaniyaan

Waa
maxay xukunka caymiska ganacsi ee beryaha danbe soo badanaya?

 
Jawaab:

Caymiska
ganacsi waa nooc ka mid ah ribada

Dhammaan noocyada
caymis ee ganacsi wax shaki ah kuma jiro inay yihiin ribo. Caymisku waa iibinta
lacag lagu iibinayo lacag, kaasoo ah xaddi ka badan ama ka yar, oo xilli danbe
la bixinayo lacagaha midkood. Waxa ku jira riba al-fadl (bayc ku salaysan dulsaar)
iyo riba al-nasaa (riba ku koraysa haddii lacag-bixintu ay ka dibdhacdo
taariikhda la filayo), sababtoo ah shirkadaha caymisku waxay qaataan lacagta
dadka waxayna ballanqaadaan inay bixiyaan lacag ka badan ama ka yar marka shil
gaar ah oo caymis lagu galay uu dhaco. Waxani waa ribo, ribaduna waa mamnuuc
sida ku cad aayado badan oo quraanka kariimka ah.

 
Caymiska
ganacsigu wuxuu ku salaysan yahay khamaar

Dhammaan noocyada
caymis ee ganacsi kuma dhisna wax aan ahayn khamaar oo xaaraan ah sida ku cad
Quraanka:

“Dadkii
alle rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarka iyo sanamyaasha la caabudo iyo qoryaha
lagu faashado waa wasakh (nijaas weeyi, shaydaanka shaqooyinkiisa weeyi), ka
durka (oo agtiinna yay soo marin), si aad u horumartaan ummadyahay.”Tafsiirka Sh. Maxamed Dirir ee aayadda 90aad ee suuratul Maa’idah.

 
Dhammaan noocyada
caymisku waa qaab bakhtiyaa-nasiib. Waxay shirkaduhu ku odhanayaan, bixi
lacagta intaa le’eg, kadib haddii ay waxaasi kugu dhacaan waxaan ku siinaynaa
intaa intaa. Tani waa khamaar waadix ah oo aan meelna loogu soo gabbanayn.
Qofka isku daya inuu kala saaro caymis iyo khamaarkuna waa madax adayg cad oo
maskax kasta oo fayow aanay aqbali karin. Shirkadaha caymiska laftoodu waxay
kuu qirayaan in caymisku yahay khamaar.

 
Caymisku
wuxuu ku salaysan yahay bayc wax aan kala caddayn.

Nooc kasta oo caymisku
waa bayc shaki ku jiro oo aan la hubin/la ogeyn. Wax kala iibsiga la xidhiidha
wax aan la garanayna waa mamnuuc sida ku cad axaadiis badan oo saxiix ah, oo ay
ka mid yihiin xadiiskii uu wariyay Abuu Hureyrah (Alle ha ka raalli noqdee):

 
”Rasuulku
(SCW) wuxuu nahiyay dhagaxa bayciisa (dhagaxa inta la tuuro, laga dhigo wuxuu
ku dhacay ama gaadhay inay tahay bayciisa) iyo bayca waxa aan la hubin/kala
caddayn” Saxiixul Muslim, kitaabul buyuuc, xadiis Lr:3614

 
Dhammaan noocyada
caymiska ee ganacsi waxay ku salaysan yihiin shay aan la garanayn/ la hubin
inuu dhici doono. Shirkadaha caymiska iyo kuwa iibiya caymisku waxa kaliya ee
ay caymis geliyaan waxa mustaqbalka ah ee aan la garanayn inuu dhici doono iyo
in kale weligoodna caymis ma siiyaan kiis la hubo inuu dhacayo.

 
Si kale haddii loo
dhigo, shuruudda caymiska aad ku helaysaa waa inay lahaataa suurtagalnimada
inay dhacdo ama aanay dhicin (taasoo lidkeeda ah, tusaale ahaan, qof qaba
xaalad hore u jirtay, sida qof xukun dil ah dulsaaran yahay oo codsanaya
caymiska nolosha)

 
Waxaa intaa dheer, waxa
wax kala iibsigani ku lug leeyahay shay aan la hubin, kaas oo ah goorta shil
dhaco iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha uu sababay.

Sidaa darteed, caymisku
waxa uu isku darsaday saddex nooc oo waxyaabaha shaki ku jiro (aan la hubin)
kuwii ugu darnaa.

 
Caymiska
ganacsi wuxuu qaab xaq darro ah u cunaa maalka ummadda

Dhammaan noocyada
caymis ee ganacsi waxay xaq-darro ugu cunaan xoolaha dadka, taasoo xaaraan ah
sida uu Quraanku sheegayo:

“Dadkii
Ilaahay rumeeyow! Xoolihiinna ka ku kala cunina dhexdiinna xaqdarro/baadil”(al-Nisa 4:29 – fasiraadda macnaha).

 
Dhammaan noocyada
caymiska ganacsigu waa macaamil ganacsi oo qish ku jiro oo loogu talagalay in
lagu cuno hantida dadka si baadil ah. Sahamin tirakoob oo uu sameeyay mid ka
mid ah khubarada Jarmalku waxa ay sheegaysaa in waxa dadka uga soo noqda
lacagta laga qaatay aanay ka badnayn 2.9%. Caymisku wuxuu ummadda ku yahay
khasaare aad u weyn, mana jirto wax daliil ah ama cudur daar loo heli karo
falka kuffaarta ka luntay xidhiidhka qaraabada iyo saaxiibtinimada, sidaas
darteedna ay ku qasban yihiin in ay galaan caymis, ay u neceb yihiin in ka
badan inta ay neceb yihiin geerida.

Kuwani waa inyar oo ka
mid ah xad-gudubyada shareeco ee caymiska salka u ah. Waxaa jira xad-gudubyo
kale oo badan oo aan u baahnayn in aynu halkan ku xusno, loomana baahna in la
sameeyo, sababtoo ah xad-gudubyada aan kor ku soo sheegnay mid ka mid ah ayaa
ku filan inuu caymiska ka dhigo mid ka mid ah waxyaabaha mamnuuca ka ah
Shareecada Ilaahay.

Waa wax laga xishoodo
in dadka qaar ay ku khiyaamoobaan siyaabaha ay shirkadaha caymisku uga dhigaan
caymiska wax soo jiidasho leh oo ay ku jahawareeriyaan dadka iyaga oo ugu
yeedhaya “iskaashato” ama “is-taageerid “ama
“Islamic”, ama magacyo kale oo aan waxba ka beddelayn dabeecadda
caddaalad-darrada ah ee caymiska.

 
Caymiska
iskaashato ma xalaal baa?

Shirkadaha caymisku
waxay sheegtaan in culimadu fatwooyin soo saareen oo ay ku sheegeen in waxa loo
yaqaan “caymiska iskaashato” uu yahay mid xalaal ah. Tani waa been.
Sababta keenaysa jaahwareerkani waxay ahayd iyadoo qaar ka mid ah shirkadaha
caymisku ay culimada ula tageen qorshe khiyaano ah oo aan shaqo ku lahayn nooc
kasta oo caymis, balse waxay yidhaahdeen waa nooc caymis oo ay u bixiyeen
“cooperative insurance” (si ay ugu qurxiyaan dadka oo u jahawareeriyaan).

 
Waxay yidhaahdeen waxa
uu ku salaysan yahay waxa ay dadku ku deeqaan, oo ah nooc ka mid ah iskaashiga
uu Eebbe innagu faray aayadda 2aad ee Suuratul Maaida: “Isku kaashada
samaha(wanaagga) iyo Alle ka cabsiga)…”, Waxaanay leeyihiin ujeeddadu waxay
ahayd in la iska kaashado yaraynta masiibooyinka xad dhaafka ah ee dadka ku
dhici kara.

 
Laakiin xaqiiq ahaanse
waxan ay ugu yeedheen caymiska iskaashigu wuxuu la mid yahay caymisyada kale;
waxa kaliya ee ay ku kala duwanaayeen waxa ay ahayd habka loo dejiyay, ee ma
aha dabeecaddiisa asaaska ah. Waxay ahayd mid aad uga fog deeq fudud oo qofku
bixinayo ama iskaashi wanaag iyo cibaado; Xaqiiqdii waa nooc iskaashi oo dembi
iyo xadgudub ah.

Ujeeddadu may ahayn in
la iska fududeeyo oo la iska caawiyo dhibaatada masiibooyinka, balse waxay
ahayd in dadka looga qaato xoolahooda qaab aan xaq ahayn, taas oo gabi ahaanba
xaaraan ah, sida caymisyada kaleba yihiin. Markaa waxan ay culimada hordhigeen
xataa may ahaynba caymis.

 
Marka la eego
waxyaabaha ay qaarkood ku andacoonayaan, ee ah in qayb ka mid ah khidmadaha
(lacagta la siiyay caymiska) loo soo celiyo caymis-qaataha, tani waxba kama
beddeleyso kamana saarayso caymiska raadadka ribada, khamaarka, bayc ku
salaysan shaki/waxaan la garanayn, isticmaal xoolaha dadka qaab caddaalad darro
ah, waxaanu ka hor imanayaa mabda’a ah in Alle la aamino (Tawakul), iyo falal
kale oo xaaraan ah.

 
Caymisku waa khiyaamo
iyo jahawareer. Qofkii raba inuu macluumaad dheeraada ka ogaado waa inuu
tixraacaa qoraallada ”Al-Ta’miin wa Axkaamuhu (Caymiska iyo axkaamtiisa)”.
Waxaan ugu baaqayaa qof kasta oo muslim ah oo diintiisa ku faana, rajadiisuna
Ilaahay naxariistiisa iyo maalinta aakhiro tahay in uu Alle ka cabsado, kana
fogaado dhammaan noocyada caymiska, si kasta oo ay u qurxiyaan dadka hor
ordayaa, waayo waa xaaraan. Sidaas ayuu qofku diintiisa iyo maalkiisa ku
ilaashanayaa, waxaanu amni ka heli doonaa cidda kaliya ee amniga iska leh, oo
ah, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa.

Ilaahay dhammaanteen ha
innaga dhigo kuwii  fahma arrimaha diinta
ee ku dhaqaaqa wixii Rabbul-Caalamiinku raalli ka yahay.

Sh. Muhammad Said Abdul
Rahman.

Qaybtan kore ee buugga
aynu ka soo xigannay ka sokow. Waxa kale ee aynu eegi karnaa fatwada shaykh ibn
cuthaymeen ee ku saabsanayd dadka deggan dalalka aan muslimiinta ahayn. Waxa
aad tixraac ahaan qaybtan soo socota ka helaysaa “Al-Aqalliyaat al-Muslimah –
Bogga 63aad, Fatwa Lr.3”

Waxa
uu ibn Cuthaymiin fatwadan ku yidhi:

“Markaan eego intaan
garanayo, sharciyada caymisku waxay ku salaysan yihiin guulaysi iyo khasaare.
Heshiis kasta oo arrintan ku salaysan waa khamaar, taasoo ah wax Ilaahay ku
xarrimay kitaabkiisa (Qur’aanka) oo uu la simay khamriga iyo caabudidda asnaamta.
Waxa Ilaahay Jalla Wacalaa quraankiisa ku yidhi: “Dadkii alle rumeeyayoow
Khamriga iyo khamaarka iyo sanamyaasha la caabudo iyo qoryaha lagu faashado waa
wasakh (nijaas weeyi, Shaydaanka shaqooyinkiisa weeyi), ka durka (oo agtiinna
yay soo marin), si aad u horumartaan ummadyahay.” [Suuratul Maa’idah, Aayadda
90aad (Tafsiirka Sh. Dirir)].

 
Aan ku siiyo tusaale,
waxaad caymis gelisay gaadhi waxaanad ka bixisay $200 sannadkii si shirkadda
caymisku u dammaanad qaaddo in ay daboosho kharashka wax kasta oo gaadhiga ku
dhici kara, ha ahaato gaadhiga oo burburay ama dhaawac yarba. Haddii
sannadkaasi dhaafo oo baabuurku aanu burburin ama dhaawacmin, waxa markaa
guulaysanaya shirkadda caymiska, caymis-qaatuhuna wuu khasaaray. Haddii uu
laakiin baabuurku burburo ama dhaawac xun soo gaadho, caymis-qaataha ayaa
helaya wax ka badan inta uu siiyay shirkadda. Xaaladdan oo kale, isagu waa
guuleystaha, shirkadda caymiskuna way ku khasaartay. Heshiis kasta oo qaabkan
ku salaysani waa khamaar sidaas darteed waa mamnuuc.

 
Si kastaba ha ahaatee,
waxaa la ii sheegay in waddamada qaar dadka lagu qasbo inay galaan heshiis
caymis. Haddaba maxay muslimiintu samayn karaan haddii xaaladdu sidan tahay?
Aniga aragtidayda waa in uu bixiyo wixii lacag ah ee lagu qasbo in uu caymis ku
bixiyo balse aanu u qaadan in ay tahay heshiis ama heshiis sharci ah, balse ay
tahay lacag xaqdarro ah oo cadaadis lagu saaray. Haddii aanay wax shil ah so
gaadhin waa nicmada iyo naxariista Eebbe inna siiyay. Waxaana lagaga qaatay
lacagtiisa xaq-darro, wuuna heli doonaa Maalinta Qiyaame. Haddii ay dhacdo in
khasaare hantidiisa soo gaadhay oo shirkadda caymisku ay ku talo jirto inay wax
u soo celiso, markaasoo kale, haddii qaddarka lacageed ee uu ku leeyahay la mid
yahay kii uu heshiiska ku bixiyey, si caddaalad ah ayuu u qaadan karaa. Haddii
dhinaca kale, waxa uu ka helayo shirkadda caymisku ay ka badan tahay inta uu
bixiyey, waa inaanu qaadan wax ka badan inta uu bixiyey. Sidan, ayuu habraacu,
sida ay aniga ila tahay, ku noqon doonaa mid waafaqsan shareecada Islaamka.

 
Gunaanad

Sida aad kor ku arkayso
ama waxa markaad caqli ahaan adigu baadho ka fahmi karto doodaha, caymis kasta
oo qofka qasab lagaga dhigaa ma bannaana. Qof ayaad ku qasbaysaa inuu wax
iibsado, iyadoo iibkaasi weliba yahay mid aan ka iman niyaddiisa iyo
duruuftiisa oo aanu ogeyn inay wax uga soo noqonayaan ama in kale (bakhtiyaa
nasiib ah).

 
Dadka jooga dalalka aan
muslimiinta ahayn ee ku qasban caymiska waxa loo banneeyay oo culimadu isku
raaceen inuu ku ekaado caymiska intiisa qasab lagaga dhigay oo keliya. Haddii
aad eegtid dalalkan reer galbeedka, shayga ay gaaladu adduunka ugu neceb yihiin
waa caymis oo ay dhimashada ka neceb yihiin.

 
Haddaba dalkeennan
immika la rabo in ummadda lagu qasbo caymis, qof kastoo idinkaga jira Madaxda
ku lug leh arrintan iyo Golaha Baarlamankuba dib ha ugu noqdo naftiisa. Ha eego
waxan uu ummada ku qasbayo inay bannaan tahay iyo in kale.

 
Ha xusuusto inuu xeer
kasta oo uu u doodo, oo uu u codeeyaa aanu saamaynayn ummad 5 milyan ah oo
keliya. Xeer kasta oo aad u codeysay amma aad keentay wuxuu sii jiri karaa 100
sano amma in ka badan.

 
Haddii xeerkaasi
diiniyan sax yahay, waa sadaqo jaariya oo kuu socota. Haddii uu laakiin dulmi
yahay, ogow in muddada xeerkaa lagu dhaqmayo oo dhan amma noolow amma xabaasha
ku jire aad umadaha dembigooda idinku qaaddeen, sababtoo ah waa xeer ummadda ku
qasbaya inay dembi galaan, khamaar iyo ribo lacag ku bixiyaan oo aanay
ikhtiyaar u lahayn.

 
Waxa idiinka fiican
inaad wax ka qabataan waa waxyaabaha ay muhiimmadda umadaha reer galbeedku
saareen. Ammaanka waddooyinka (safety engineering) iyo adkaynta sharci marinta
ku xadgudubka xeerarka waddada.  Waxay
Iswiidhan oo kale ka soo ridday dhimashada sannadlaha ah celcelis ahaan 500 oo
qof sannadkii ilaa 200 sannadkii waxaanay tirada baabuurta Iswiidhan kor u
dhaafeen 5.5 milyan oo gaadhi. Waxay tani u dhigantaa saami ahaan iyadoo
Somaliland oo dhan sannadkii 4 qof gaadhiyaasha ku dhintaan.

 
Culimada ummadan
cilmiga diinta u haysana waxa ay aad u gabeen inay dadka ku baraarujiyaan oo
dawladda ku baraarujiyaan xukunka arrimahan. Caymiskan iskaashi ee shirkadaha
qaar ku doodayaan xalaalnimadiisu wuxuu la mid yahay qaabkii reer banii
israaiil ay Sabtida u kalluumaysteen. Qofka beer oodan intuu oodda qaybyar iska
riixo yidhaahda dibeddaan ka joogaa beertaasi waa wax aan caqli saliim ah
ahayn. Dib u eega caddaymaha culimadda dunidu ku xarrimeen caymiska noociisa
kasta. Mar walba waa bakhtiyaa-nasiib. Dad ayaa 40 sano bilaa shil ahaanaya oo
kumanaan kun ku khasaaraya, qof kale ayaa sannad ama 2 sano gudahood galaya
shilal badan oo mar walba helaya lacag aanu kasban. Waxa qasabkan ay dawladdu
waddaa sidoo kale burinayaa qiilka keliya ee ay haysteen shirkaduhu, kaas oo ah
inuu yahay deeq qofku iskii u bixinayo.

 
Mar walba caymis kama
madhnaananyo raadadka aynu kor soo sheegnay ee baalmarinaya shareecada
islaamka. Haddii dawladdu qasab ka dhigtona muxuu xukunkiisu noqonayaa? ummad
dulman oo baaddil lacagtooda lagaga qaadayo iyo Dawlad iyo Baarlamaan dulmiga
aakhiro loo haysto.


Like it? Share with your friends!