Waa Qudhmiye NiqaabanUruradda Askarigu Furayaa (Abdi-Shotaly).


Spread the love
N.B Caal-Waa Cuud Ma Doojiyo!

Qudhmiye Waa Kii La
Yidhi “Caal-Waa Cuud Ma Doojiyo “, Ururadda uu ku dhololayaa wax kale
maaha ee waa isaga oo shaadir ku naqaaban, balse durbaanka saaka la qaraacay,
iyo qaylada cumaama-daha madaxa loogu soo duubtay,beer laxawsiga, iyo hadalada
macaan, kan baa dantaa wada iyo kala boobka laguu soo kala bereta-maayo,
dhiilada iyo dhalaan hababista lala soogan yahay, jacaylka laguu qabo maanta
iyo isu soo baxayda, ceel malab ah baan kuu hayaa iyo is wanaajinta lala tuban
yahay dariiq-yadda, khudbadaha dhiigu da’aayo, ee geed sare waabka ah, marmar-siiyaha
iyo is hafarka, wax baan ku tarayaadda maxaa keenay saaka? Kuwa kula hor taagan
hadaladda qiirada leh, ee ka qalaalan hoosta, hore-na kuu soo maray, ogayd-na
waxa ay ku danbayee-yeen, ee aad faraha madhan ka joogtid, yaan lagugu
khawaysiin, hadaad tihiin ummadda Reer Somaliland! sideedaba-na kala baro oo si
hufan u deris, waxa aad rabto iyo kuwa kaa doonaaya waxa ay qafaashaan, maaha
wax aad si yar u dhayalsan karto, ogawna oo la soco dadku waa dhawr nooc, dar
baa miskiin seef-layaal ah, oo hoosta kaa jara, qaar baa ah dhuxul dambas
huwan, kuwo kale baa iyana la moodaa biyo ma daadsha-yaal laakiin aba-guri
hoosta ku haysta, nooc baa oogada ka xariir ah, oo ay urgumadu ugu aasan tahay
micida, raabo kale baa jirta, oo iyana u abuuran in ay wax canda-dawlaan, oo
qas iyo qalaanqal uun u faydan, in baa dusha kaa hagaagsan oo laciimiin ah,
kooxo baa jira kugu khaldaaya kitaab, oo boqnaha kugu jaraaya, in baa dhuunta
wax ka arka oo mabda’oodu yahay oo keli kii wax u dhiiba, si ay u soo xero
geliyaan dad. af-miishaar aan wax ka xishoon, mid reer hebel baa aynu isku
nahay raba in uu kaaga leeexiyo danta guud. intaas oo dhan baa is barbar
yaacaaya, oo u maleegan siddii laguugu tuuri lahaa haadaan, laguuugu tala
galay, oo mid-ba uu dhinaciisa ka ordayaa, marka aad la kulanto-na aad
moodaysaa qof nasteexo kuu sheegaaya, ha yeeshee ka dhab maaha, ee waa yaan
lagugu garan balaayadda uu wado, oo qudhun kuu hadoodi-laaya si uu fursad kuugu
helo, qab kuugu dhigo muruq-yadda bawdadda ku kala gooya, hadaba waxan uga jeedaa,
waxa si cadaan ah xakamaha looga jaray, in lagugu hurgufo beentii la rabay in
xawda lagaaga jaro, oo la iskaa kaba raaciyo, shanta fagaxa baa cagaha wax laga
deyey, qolooyinka kala gedisan ee aan kor ku carabaabay-na, waa wakhtiggii ay
ku talo galeen, laguuna soo tafa xaytay, siddii ay kaaga heli lahaayeen
ujeedoo-yinka  iyaka u gaarka ah, iyada
oo laguu sheegaayo wax baan kuu qabanaynaa, taas oo hore-ba looga waayey, waxa
ay la koodhaadha-yaan kuwa idin hor boodayaa.

 

“Geel duq baa
loo tumaaye”, Kulmiye waxa soo celiyey in ay ku hor yimaadaan kuwii aad
eeday, ee kaa reebay qayrkaa iyo qayr xigeen-kaaba, ma is weydiisay waxay
tahay? Micnuhu maaha doorashada’e, ee waa lagu gasaan-gasayaa, waxay tahay oo
kuu keenay in ay ku baryaan, ha moodin wax kale ee waxa dhamaaday ayaamihii ay
lahaayeen, oo habeenkan caawa ah adiga ( ka foodaaya marka aad tahay shicibkaw)
baa ka diig ah, oo lagu hoos joogaa inta ay ku jirto  dan-toodu gacan-taada ( oo ah mudo korodhsi),
ta lagaa sugayaana waa taageero noocaas ah oo aad u fidiso, waa siddii lagaaga
saxeexi lahaa, inta ay dhun-dhunka ku qabtaan, lagaa hir gashado in aad u meel
mariso toodda, dabeed cidla lagaaga dhaqaaqo, ummad yahay wax ina maryaaya
maaha, keligii talisnimo,  sidaas awgeed
waxa muhiim ah in aad ku wadda kacdaan labadda askari, ee salaxday boqrtooyadda
uu kula soo taliyey  ka u seediga ah ee
Xaafadda aynu jaarka nahay ee Jabuuti. in aad ka fiirsato beenta laguu
biirinaayey, mudadda afarta sano ee xooga ka masaha ah, oo ah intii ay askarta
iyo kuwa uu isticmaalaa, ee reer walba lihi, kuu maqaar saarnaayeen. Waa in aad
qaadaa-dhig-taan, ereyada la idinku maalaayo, ee wax ka dan-beeyaa aanay jirin,
Maaulka askarigu wax uu ku taray ama ku yeelay waa in aad is waydiiso, waliba waa
in aad gaar ula xisaab-tantaan, oo eeg-taan dhul dhacoodda, micnuhu maaha waxa
kele, oo aad kala dooranay-saan Saddex xusbi, ee eega bad-weynta ku xeeran,
kuwaas oo hadhaw hunguri doonka ah, kuwa ku melgi doona weeye, ee iilka kuu sii
dheeray-naaya ama noqon kara kuwo aad wax ka faa’iidid, kuwani halkay
somaliland dhigeen idin kama qarsoona, aanay cid aan ogaynina ma jirto, waxa la
isla daba wareegayaa bal dhuuxa, waxa kale maaha ee waa caadaddii Xusbiga
qudhmiye, uu hore ugu caano maalay, maantase socon mayso hebel waa sidaas iyo
ka kale, oo isna wax ka sii daran, ka is leh isku maydh, Mucaaridka mooyee mid
ka hadlaaya adeeg-yadda ummadda iyo baahidda dan yarta haysta ma jiro, ayaan
daradda inagu habsatay, oo aynu kuligeen, mid-na aanu eegayn danta Somaliland
iyo dad-keedda, ee nin jeclaysi iyo Reer Hebel kuwa ina baabi’iyey ( Waa
maamulka asakrta’e, hadhaw-na goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, seeftii
kugu dhacday, aad cabaad la soo jeesato, waa-se goorma-goorta, aad siddii
xuunshadda aad wax ogaanaysaa? Inaka baa ka mansuul ah oo nina kama dedna
taasi, waana ay ina soo mareen, laga bilaabo ku dhawaaqiddii somaliland
18/05/1991-kii, oo waa kuwii dagaalkii sokeeya ee ” Marya alool” u
ahaa aabaha iyo hooyadda, madxa-weyne kaste siddii ay ula dhami jireen aad ka
wadda dheregsan tihiin, markaas waxa ay imika la imanayaan, ama ay hayaan ma
cid baa awel ka hor joogtay, mise dib baa loo abuuray, oo maaha-ba kuwa aan
sheegayno akhristaw adaan kuu dhiibaye?

 

“Hadal waa run
kama rayste” Maaha in qiiq iyo ciiro la inoo dhex galo, oo kolba sida
jirji-roolaha, la isu keen ekaysiiyo marxaladda la inaku khaldaayo, wax aan sal
iyo baar mid-na aan lahayn laguu akhriyo, wax aad ka soo gun iyo baar
wareegtay, oo wax ka soo naasao cad, iyo rajo laga sugo, aad ka soo inaab-satay,
kuwii u ahaa taayiradu-na ay weli kugu so mutuxan yihiin, miyey kula tahay, in
aad maanta-na ku dan seegto, waa kuu dadnimo xumo iyo cidhib la’aan lagugu
ogaaday, waana ta ay kolba kuugu soo hiila-yaan, ee ay kaaga quusan waayeen,
ilayn waxay og-yihiin in ay kaa jibo keena-yaane, hadaba waxan ku soo xidhay
maqaalkan, oo aan qoofalka ku giijiyey, dan-taadu waxay ku jirtaa, adiga oo
tijaabiya kuwa kale, wixii kuu daacad ah, ee dadka iyo dalka aan hore u liqin,
curyaamin, kuwa maalin kasta Dhuuxa iyo lafta, ku jebi-naaya, ee misana sidda
maska, oogadda xariir ka dhigaaya, waabay-diina soo dayn doona marka aad
kursiga geyso, sidda maamulka hadda jooga ee diir  iyo lafba ku cunay, isku kaa diray, dabeed-na
ku yidhi cirka soo leef markuu kaa dan dhamaystay. Waxan ku soo xidhay
qoraalkan, ka tashadda keligii taliska labadda askari, oo diidda Mudo korodhsi,
doorasho madax-tooyo la’aan yaan la idin marin, Kuwa uu ururadda u furayaa waa
” Qudhmiye Niqaaban” oo la damcay in Beel walba lagu kal jebiyo si uu
dib ugu soo baxo Qudhmiye, ilayn wuu is og-yahay in aanay cidi rabine. qaybi oo
xukun waaye xaalku, oo kaal eri, mid-mid aaminaa yuu jirine. Ummadu waa in ay
ka kacdo Gobolka kasta, oo dhrbiga loo qoro ” Raggii ma adigaa ka hadhay,
geenyo Shaaximan iyo Koox-diisa la yidhaaho ” Shimbira-yahaw Heesa ”
Waa wasiiro ku sheega’e.

 

* N.B  Caal-Waa Cuud Ma Doojiyo!

Abdi-shotaly,


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments