Waar Malaha Ceeb Maaha Inaad Madaxweynahaaga Jeclaato !


Spread the love
Digtoor Gaboose waa nin weligii jeclaa Madaxweyneyaashiisa…

1. Madaxweyne Maxamed
Siyaad Barre aad ayuu Digtoorku u jeclaa oo dawada iyo irbadaha ayuu daba sidi
jiray aadna caafimaadkiisa wuu u xanaanayn jiray  waxaanuu ahaa Dhakhtarkiisa gaarka ah, balse
aakhirkii wuu ka soo baxsaday oo Jabhadii SNM ayuu ku biiray.

2. Madaxweyne Maxamed
Ibraahim Cigaal isna aad ayuu u jeclaa Digtoorku, waxaanu dedaal adag u galay
in sanadkii 1997 Cigaal dib loo doorto, waxaana uu waagaas dagaal adag la galay
Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal oo waagaas Madaxweyne Cigaal tartan kula
jiray, waxaasina wuxuu u sameynayey jacaylkii Cigaal uu u hayay. Waxa kale oo
Jacaylkii uu Cigaal u qabay uu u xambaartay Godobta taariikhiga ah ee beenta ah ee uu yidhi Cabdiraxmaan
Tuur ayaan Hargeysa ka mastaafuriyay, taasi oo ahayd mid been ah.

Cabdiraxmaan Tuur
Madaxtooyada waxaa ku qaabilay Marxuum Cigaal oo si fiican ugu soo dhaweeyay,
kulamo dheerna ay yeesheen, markii Cabdiraxmaan uu hawshii uu u socday uu
dhamaystay ee diyaarada uu raacay si fiicana loo sii gelbiyay, ayuu Cigaal
Gaboose ku yidhi waxaad tidhaa waanu mastaafurinay si aan shacbigu iigu kicin
oo aan loo odhan Cabdiraxmaan Tuur oo Federaalka aaminsan ayuu qaabilay. Dr
Goboose jacaylkii uu u hayay Madaxweyne Cigaal ayuu u xambaartay godobtaas
taariikhiga ah ee waliba beenta ahayd.

3. Madaxweyne
Siilaanyo jacaylkii uu Gaboose u hayay waxa uu ahaa kan loo yaqaano love–hate
relationship. Xiligii Ololahii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ahaa Madaxa Ololaha
Kulmiye ee Gobolada Bari, waxaana uu ka mid noqday golahii Wasiirrada ee
Madaxweyne Siilaanyo, balse wuu ka tegay berigii danbe.

4. Madaxweyne Muuse
Biixi in uu Digtoorku Jeclaado ceeb maaha, waa muwaadin yidhi Madaxweynahayga
waan jecelahay, laakiin inuu yidhaa cidii aan jeclaynay Cirka qabta waa
khalad…, Cirka maxay ka doonayaan dhulka ayay joogaane kkk. Xaq miyaanay u
lahayn inay iyaga oo dhulka jooga wax jeclaadaan ama wax necbaadaan.

Ugu danbayn Digtoorku
Xaq ayuu u leeyahay inuu wax jeclaado, lana jeclaado. waxaa kale oo muhiim ah
in la ogaado inaanayn imika uun ahayn in Digtoorku uu Madaxweynayaashiisa
jeclaado, balse waa jacayl soo taxnaa tan iyo Siyaad Barre.

Igu salaama
Gudoomiyeha Ururka Barwaaqo, horena u ahaa Gudoomiyiha ururradii aan
hano-qaadin ee Sahan, Qaran, iyo Ummad.

Jimce Wanaagsan

Kaysar


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments