0

Sida laga soo xigtay The Times, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ayna Liverpool wali wax heshiis ah la gaadhin xiddiga Mohamed Salah.

Qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa 2023. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jira ‘kala duwanaanshiyaha labada dhinac marka laga hadlayo waxa uu Salah doonayo iyo waxa ay Liverpool diyaarka la tahay.

Wakiilkiisa Ramy Abbas, ayaa ku dadaalaya inuu Salah ka dhigo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Sabab la xidhiidha kala duwanaanshaha labada dhinac waxa joogsaday wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee xiddiga reer Masar.

Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa la sheegay in uu Salah doonayo in uu kooxda ka helo mushahar dhan todobaadkii lacag dhan 400 kun oo Gini si uu heshiis cusub u saxiixo kooxda


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *