Wafdi Ka Socdo Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeeyb Gelaya Shir Madaxeedka IGAD


Spread the love

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maalinta barri ah ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku sugan, halkaasi oo uu kulamo la leeyahay Jaaliyadda Soomaalida iyo Madaxda dalkaasi.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments