War kasoo kordhay gantaalka nukliyeerka qaada ee ay ciidanka Hindiya ku rideen Pakistan


Spread the love
BrahMos

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Hindiya ayaa shaqada ka burisay saddex askari oo ka tirsan ciidamada cirka ee dalkaas, kuwaasoo “si khaldan gantaal ugu riday” dalka Pakistan bishii Maarso.

Dhacdadaas ayaa sii xumaysay xiisadda colaadeed ee ka dhaxaysa labada waddan ee ku hubaysan nukliyeerka.

Xukuumadda Delhi ayaa sheegtay in dhacdadaas “oo ay aad uga qoomamaynayaan” ay ku timid “cillad farsamo” oo dhacday xilli la samaynayay dayactirka joogtada ah ee hubka.

Balse Islamabad ayaa u dirtay Delhi diginin ku saabsan “inay ka feejignaato cawaaqibka xun ee ka dhalan kara falalka noocaas ah ee taxaddar la’aanta ah” iyo in aysan mar dambe soo noqon.  

Askartii mas’uulka ka ahayd arrintaas dhacday 9-kii bishii Maarso ayaa dhammaantood laga eryay shaqada , sida lagu sheegay bayan ay taliska Militeriga Hindiya soo saareen maalintii Talaadada.

Bayaankaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday “in laga weekday hannaankii caadiga ahaa”, kaasoo ah qalad ay sameeyeen askarta oo horseeday in si kama ah Pakistan loogu rido gantaalka noociisu yahay BrahMos.   

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gantaalka BrahMos oo awood u leh in uu xambaaro bambooyinka waxaa si wadajir ah isula sameeyay Hindiya iyo Ruushka.

Saraakiisha Ciidamada Cirka ee Pakistan ayaa sheegay in fantaalkaas oo la riday 3-dii bishii Maarso uu ku socday xawaare saddex jibaar ka dheereeya guuxiisa.

Waxa uu dhulka ka sarreeyay joog dhan 12,000m (40,000ft), waxa uuna duulayay masaafe dhan 124km (77 miles) oo gudaha Pakistan ah, ka hor inta uusan ku dhicin meel uusan qasaare badan ku geysan.

Taliska militeriga Pakistan ayaa sheegay in gantaalkaas “uu halis geliyay rakaab badan oo la socday duullimaadyo calami ah oo ku safrayay hawada u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan”. Sidoo kale waxa “uu khatar geliyay nolosha iyo hantida dadka dhulka jooga”.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Hindiya, Rajnath Singh, ayaa sheegay in dhacdadaas kaddib ay dowladda Hindiya diiradda saartay “amniga iyo badqabka” hubkeeda, cillad kasta oo ku imaatana la xallin doono.

Hindiya iyo Pakistan ayay ka dhaxaysaa colaad taariikh fog leh oo marba marka ka dambaysa xasarad kicisa, labada waddanna waxay isku haystaan lahaanshaha gobolka Kashmiir, oo midba uu dhinac ka maamulo.

Labada dowladood ayay horay u dhex mareen dagaallo salka ku haya murankaas, xukuumadda Delhi-na waxay mar walba Pakistan ku eedeysaa inay taageerto kooxo mintidiin ah oo ka howl gala Kashmiir, kuwaasoo oo Khalkhal geliya amnigeeda.


Like it? Share with your friends!