Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Weeraradii Muqdisho Xalay


Spread the love

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weeraro xalay lala eegtay goobo badan oo ku yaala Muqdisho kana mid ahaayeen xarumaha degoomiyinka maamulada gobolka Banaadir.

Meelaha la weeraray waxa ka mid ahaa Kaaraan, Shibis, Boondheere, Wardhiigleey, Howlwadaag, Wadajir, Dharkeenleey, Hodan, Yaaqshiid, Hiliwaa, Dayniile, iyo Garasbaaleey.

Kooxda alShabaab ayaa war ay goor danbe soo saareen waxay ku sheegeen in ay iyagu ka danbeeyeen masuuliyadda weeraradaas, waxayna sheegteen dad badan oo ay laayeen.

Illaa 5 qof ayay alShabaab sheegatay in ay ku dishay weerarkaas waxayna ku sheegtay dadkaas shaqaale ka shaqaynayay degmooyinka ay weerartay.

 


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments