0

Horyaalka premier League ayaa haysta weeraryanada ugu fiican yurub kuwaas oo si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan iyada oo 3 xiddig dhaliyeen min 5 gool kaliya 7 kulan kadib.

Liverpool, chelsea iyo Man City ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro horyaalka premier League, waxana ay kooxaha tartamaya u baahanyihiin weeraryano dhalinkara kulan walba.

Inta badan xilli ciyaareedkan waxa si weyn loo hadal ahayaa ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Man United kaas oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican bishii September.

Laakiin waxa jira weeraryahano kale oo wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan kuwaas oo ku tartamaya xita gool dhalinta horyaalka premier League.

Wargayska Mirror ayaa soo xushay 10-ka weeraryahan ee ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League kadib markii 2 bilood la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu fiican premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan:

  1. Mohamed Salah, Liverpool
  2. Michail Antonio, West Ham
  3. Cristiano Ronaldo, Manchester United
  4. Hwang Hee-Chan, Wolves
  5. Jamie Vardy, Leicester
  6. Neal Maupay, Brighton
  7. Romelu Lukaku, Chelsea
  8. Ivan Toney, Brentford
  9. Sadio Mane, Liverpool
  10. Ismaila Sarr, Watford

Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *