Warbixin eegaysa barnaamijka maaliyadda Soomaaliya ee ay IMF tageerto oo sannadkan ay Soomaaliya halis ugu jirto inay lumiso


Spread the love

Warbixin eegaysa barnaamijka maaliyadda Soomaaliya ee ay IMF tageerto oo sannadkan ay Soomaaliya halis ugu jirto inay lumiso

 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu
waqtigiisu dhamaaday iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beileh oo ay wehliyaan
Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, Laura Jaramillo, ayaa shalay ka wada
hadlay barnaamijka Miisaaniyadda IMF ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu
sameynayo bisha May 2022. Dib u eegistii hore ayaa dhacday bishii November 18, 2020.

Hey’addaha IMF iyo Bangiga Adduunka oo la hadlay madaxweyne
Farmaajo iyo wasiirka maaliyadda, ayeey si cad ugu sheegeen inay wax walba oo
dhankooda ah istaagayaan haddii aan la dhameystirin dib u eegista maaliyadeed. Talaabadan
ayaa keeni karta dib u dhac ku yimaada bixinta mushaaraadka, gunnooyinka, iyo
adeegyada kale ee muhiimka ah; waxayna meesha ka saaraysaa hanaankii dhamaystirka
deyn cafin buuxda, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay hey’adda IMF.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay madaxda hey’adda IMF inaanu
wax masuuliyad ah ku laheyn arrimaha doorashada
oo muumulkeeda hore ugu wareejiyay ra’isulwasaare Rooble.

IMF ayaa dowladda Soomaaliya uga digtay barnaamijkeeda maaliyadeed
uu joogasan doono haddii aysan iman dowlad cusub xilliga dib u eegista oo ku beegan
17-May 2022. Balse dib u dhaca doorashada ayaan suurtagal ka dhigeynin in dowlad
cusub ay diyaar noqoto bisha May. Haddii aanay jirin dowlad cusub oo heysata sharciyad
xilligaas, Soomaaliya ayaa lumin doonta tageerada hey’adda lacagta adduunka ee
IMF, midaas oo halis gelinaysa barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya iyo
kaalmooyinka kale ee ay ku heli jirtay mashaariicda horumarinta iyo kabka
misaaniyadda.

“Hubaal la’aanta siyaasadeed iyo dib u dhaca doorashada ayaa saameynaya
barnaamijka dib u eegista maaliyadda Soomaalya ee ay IMF ka taageerto.” ayaa lagu
sheegay bayaan ka soo baxay hey’adda IMF.

Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah waxay sameeyeen bar
cabbiro, muujinayo inay Soomaaliya ka soo bixi karto heshiisyadii ay la galeen.
Dowladdo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Norway ayaa taageero dhaqaale iyo mid
siyaasadeedba ku bixiyay inay Soomaaliya gaarto barta go’aanka (Decision Point). Bartaas waxay Soomaaliya u sahashay inay
hesho kabka misyaaniyadda (budget Support) waana midda suurtagalisay inay dowladda
Soomaaliya bixiso mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada oo 70% ku tiirsan
kaalmadaas.

Balse kabka misaaniyadda ayaa istaagay, waxaana hadda halis ku
jiro inuu fashilmo mashruuca dayn cafinta Soomaaliya, haddii aan Soomaaliya
yeelan dowlad cusub oo leh sharciyad ay heshiis ku gali karto 17ka bisha 2022,
sida ay sheegtay hey’adda IMF.

Waxaa la filayay inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho dhammaadkii
2020 kii, nasiib darro se, khilaaf siyaasadeed iyo mid milatari ayaa hareeyay hoggaanka
dalka, midaas oo keentay in hay’adaha caalamiga ah isku hallayn kari wayaan in hoggaanka
Soomaaliya maareyn karo waxyaabaha asaasiga u ah dhismaha hay’adaha
maaliyadeed. 

Jiitanka doorashada waxaa garab socday khikaafka xooggan oo u
dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale dagaalka
siyaasadeed ee madaxweynaha xilligiisa dhamaaday iyo labadiisii Ra’isulwasaare waxay
saameyn ku yeesheen habsami socodka howlaha dowlada oo arrimaha misaaniyadda iyo
deyn cafintu ka midka yihiin.

Bil kasta, waxaa jira gaabis $10m farqiga u dhexeeya dakhliga
dowlada soo gala iyo midka ka baxa. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay
joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed ee Soomaaliya, ka dib doorashooyinkii dib
u dhacay. Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay
ahaayeen kaliya US$38 milyan, marka la barbar dhigo US$170 milyan oo la filayey
miisaaniyada inay gasho. Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka
ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas,
laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay
Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

Dhammaadkii sanadkii 1988 waxaa istaagay xiriirkii ka
dhaxeeyay hay’adaha maaliyadeed ee caalamka sida hey’adda IMF, Bangiga Aduunka,
iyo Sanduuqa horumarinta Afrika (AFDB). Bilowgii sannadkii 2013 ayay dowladdii
uu hoggaaminayey Xasan Sheekh heshiis kula galeen hey’addaha Bangiga Adduunka
iyo Lacagta Addunka ee IMF, midaas oo keentay wadaxajood kadib, inay Soomaaliya
dib u hanato xubinamadeedii IMF, World Bank iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika.

Soomaaliya oo deynta dhan 5.2Billion dollar lagu lahaa ayaa
la isla meel dhigay inay marto jidka dheer ee deyn cafinta. Waxaana la
billaabay barnaamijkii, deyn qafiifinta ee IMF Staff Monitored Program (SMP).
Wuxuu ahaa barnaamij kontaroolaya
dhismaha iyo habraacyda maaliyadeed ee dalka. Waxaana lagu guulaystay in la
dhammaystiro SMP-1 iyo SMP-2. Waxaana xukunka la wareegay Madaxweyne Farmaajo
iyadoo uu socdo SMP-3. Waxaana halkii lagii sii waday ilaa SMP-4.

Barnaamijka SMP waxaa ka dhashay dhismaha hay’adaha
maaliyadeed ee dalka sida Bankiga Dhexe, xoojinta wasaaradda maaliyadda, sameynta
sharciyada maaliyadeed, sameynta xafiiska Xisaabiyaha Guud ee dalka iyo Xafiiska
Hanti-dhowraha guud, kuwaas oo intuba ahaa tallaabooyin ku dhiirigalayay beesha
caalamka in la garab istaago mashruuca deyn cafinta Soomaaliya. Waxaa sidoo kale dhiirrigelin weyn siiyaya
beesha caalamka doorashooyinkii sida nabadgelyo xukunka iskugu wareejiyeen
madaxdii hore.

IMF ay sheegtay in barnaamijka deyn cafinta oo dhameystiran
ay Soomaaliya gaari karto haddii ay Soomaaliya ka baxdo hubanti la’aanta
siyaasadeed iyo dib u dhaca doorashada oo halis galinaya geedi socodka hanaanka
maaliyadeed ee Soomaaliya.

Hiiraan Online News desk

 



Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments