Warbixin:- Somalida Oo Si Aad Ah U Baranaysa Luuqada Dalka Turkiga Iyo Waxyaabaha U Fududeeyay


Spread the love

Barashada luuqadda Turkiga ee caalamka ayaa sii kordhaysa gaar aahaan gudaha Soomaaliya, maadaama Somaalida iyo Turkida ay aad isugu soo dhawaadeen sanadahii dambe, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu.

Waxa jira machad gaar loo leeyahay oo luuqadaha oo lugu magacaabo SomTurk oo xaruntiisu tahay caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Machadkan oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa macallimiin ka ah arday wax ku soo bartay dalka Turkiga waxaana machadkan wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga.

“Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luqadda ka hor inta aysan tagin,” ayuu yiri Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah madaxa machadikan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diwaan galiyeen in ay machadka ka bartaan luuqadda Turkiga , isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga.

“Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri Macalin Mustaf Maxamed Cabdikariin.

Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorsada luqadda Turkiga.

“Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjumaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turkiga laga leeyahay,” ayuu yiri Cbdikariin.

“Waxaan baranayay luuqaddan muddo hal sano ah, si aan isugu diyaariyo safar aan ku aada Turkiga si aan uga billaabo waxbarashada sare ee jaamacadda. Waxana rajeynayaa inaan mar dhaw safro anigoo wax ka bartay luuqadda Turkiga,” ayuu yiri Xuseen Cabdi oo u warramay BBC-da.

Sahra Macallin Cabdiraxmaan, oo 20 jir ah oo dhigata cilmiga dawooyinka, ayaa wakaaladda wararka ee Anadolou u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibteeda, oo si fiican u yaqaanno luuqadda Turkiga, daawatana aflaanta Turkiga, iyada oo aan loo turjumin.

Cabdikariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo macallimiin badan iyo in uu dhiso xafiis qalabaysan oo ballaaran lacag la’aan awgeed.

“Hadda waxaan haysanaa hal kombuyuutar, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisanno, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “waxaan jeclaan lahayn in hay’adaha Turkiga ah ay na caawiyaan,” ayuu yiri.

Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luqadda Turkiga, tiradaana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi.
Barashada luqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luqadda dalalka kale sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow oo ah mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid ciidanba la leh Soomaaliya ,waana tallaabo aad u wanaagsan,” ayuu intaasi ku daray.
Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa jiro fursado aad u badan oo ah in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga.

Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal.

“Haddii dhammaan arrimahan ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto tan labaad ee lagu barto dugsiyada Soomaliya, iyadoo dhaafi doonto luqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.


Like it? Share with your friends!