0

Xulalka Italy iyo Portugal ayaa ah xulalka ugu waaweyn ee ka qayb gali doona kulamada kala baxa ah ee koobka adduunka loogu soo baxayo.

Xulalka qaarada yurub Serbia, Spain, Switzerland, France, Belgium, Denmark, Croatia, England & Germany ayaa kulamada is reeb-reebka uga soo baxay koobka adduunka iyada oo Group-yada D iyo E aan wali lagu kala bixin.

Arintaas ayaa la macno ah xulalka Portugal, Sweden, Italy, Wales, the Czech Republic, Scotland, Austria, Russia, Poland, & North Macedonia ay haatanba xaqiiqsadeen booskooda kulamada kala baxa iyada oo ay midkood ku soo biiri doonaan xulalka Filand & Ukraine ama Netherland, Turkey ama Noray.

Xulalka ayaa loo qayb doonaan 2 Pot marka 26 bisha la samayn doono isku aadka iyada oo xulalka ugu qiimaha badan ay kala gali doonaan labada Group taas oo ah Portugal iyo Italy oo aan isaga hor iman karin kulamada Semi-final-ka kulamada kala baxa.

Kulamada kala baxa ayaa loo qaybin doonaa A, B iyo C iyada oo uu xul waliba ciyaari doono kulamo Semi-final iyo Final ah taas oo la macno ah in 3 xul ka soo bixi doonaan 12 xul.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *